"Dadkii Qoryaha Sitay Ee Raaligelinta Laga Doonayo Kornayl Muuse Biixi Ayaa Ugu Horeeya, Hadalkii Farmaajana….." Senator Mustafe Qodax

0
Friday February 14, 2020 - 11:49:37 in News by
  • Visits: 4681
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dadkii Qoryaha Sitay Ee Raaligelinta Laga Doonayo Kornayl Muuse Biixi Ayaa Ugu Horeeya, Hadalkii Farmaajana….." Senator Mustafe Qodax

    "Dadkii Qoryaha Sitay Ee Raaligelinta Laga Doonayo Kornayl Muuse Biixi Ayaa Ugu Horeeya, Hadalkii Farmaajana….." Senator Mustafe Qodax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dadkii Qoryaha Sitay Ee Raaligelinta Laga Doonayo Kornayl Muuse Biixi Ayaa Ugu Horeeya, Hadalkii Farmaajana….." Senator Mustafe Qodax


Muqdisho(HWN):-Senator Mustafe Maxamuud Qodax oo ka mid ah mudanayaasha aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya ayaa ka hadlay dhawaaqii uu madaxweyne Farmaajo raali gelinta kaga bixiyey xasuuqii ay dawladii hore u gaysatay shacabka somaliland.

Image result for mustafe Qodax


Senator Mustafe Qodax ayaa u dooday in dadkii qoryaha sitay ee uu madaxweyne Farmaajo raaligelinta ka dalbaday uu ugu horeeyo Kornayl Muuse Biixi oo ka mid ahaa SNM.


Senator Mustafe Qodax oo falanqayn ku samaynaya dhawaaqii madaxweyne Farmaajo ayaa ku yidhi qoraal uu soo saaray:-


Ugu horayn aad baan usoo dhawaynayaa kulanka labada madaxweyne, waayo dan wayn baa ugu jirta qof kasta oo Soomaaliyeed halku doono ha joogee in lawada hadlo oo wax uun lagu heshiiyo.


Waxa kale oon rajaynayaa in wada hadalka la dardar galiyo oo hore loogu socdo arimaha masiiriga ah. Soomalilnad waxay had iyo jeer ku adkaysataa in halka lagu wada hadlayo ay joogaan dawlado shisheeye; ma xumo runtii mar haddii wada hadal uun ay tahay waxa loo socdaa balse anigu dhibaato uma arko haddii soomaali gudeheeda ku filaato wada hadalka oo kalsooni iyo isu tanaasul lala yimaado.


Waxa kale oo an wanaag u arkaa in reer koonfureed ka garaabaan qaladaadkii aan loo sinayn ee ay ku kaceen intii u dhaxaysay midawgii somaliya iyo somaliland ilaa burburkii dawladii milagtariga ee kaligii taliyihii siyaad barre, wan aqaanaa walaalahay oo xataa ma ogola kalmada wadarta ee reer koonfureed lakin falaadhi gilgilasho kaagama go’do oo anagu midawgii aanu jeclaanay lamaanu midoobin reer kamid ah kuwa koonfur daga ee waxanu lamidawnay maamul reer koonfureed, maamulkaas oo isku raacay inay kaligood isku koobaan wixii la wada lahaa.


An usoo noqdo hadalkii maanta ee madaxweyne Farmaajo; nuxurka hadalka madaxwaynuhu wuxuu ahaa intan ;" reer woqooyiyoow waan idinka raali galinayaa wixii dhib idinka soo gaadhay nidaamkii koonfuri hogaaminaysay, idinkana waxa laydinka rabaa raali galin tan lamid inaad ka bixisaan dhibtii ad gaysateen”.


Waliba wuxuu madaxwaynuhu si toos ah raaligqlinta uga dalbanayaa madaxwayne muuse biixi waayo, dadka qoryaha sitay ee farmaajo raaligqlinta ka dalbanayo muuse biixi waa ka koow, cajiib.


Si kale haddaynu udhigno wixii dhacay waa loo sinnaa khaladkeeda weeye hadalka madaxwaynuhu. Waxaynu sugnaaba waa raali galinta muuse biixi iyo xabaal wadareedyo koonfur laga helo oo ah dadkii dawladii SNM koonfur ku xasuuqday!!!

Loading...
Loading...