"Midnimada Oo Soo Noqotaa Waxay Xalinaysaa Dhibaatooyinka Haysta Shacabka Somaliland Iyo Soomaliya"..Wasiir Maareeye

0
Friday February 14, 2020 - 11:42:08 in News by
  • Visits: 1379
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Midnimada Oo Soo Noqotaa Waxay Xalinaysaa Dhibaatooyinka Haysta Shacabka Somaliland Iyo Soomaliya"..Wasiir Maareeye

    "Midnimada Oo Soo Noqotaa Waxay Xalinaysaa Dhibaatooyinka Haysta Shacabka Somaliland Iyo Soomaliya"..Wasiir Maareeye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Midnimada Oo Soo Noqotaa Waxay Xalinaysaa Dhibaatooyinka Haysta Shacabka Somaliland Iyo Soomaliya"..Wasiir Maareeye


Muqdisho(HWN):-Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka hadlay dhawaaqii raaligelinta ahaa ee madaxweyne Farmaajo u diray shacabka somaliland.


Wasiir Maareeye oo Muqdisho kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo hadalka madaxweyne Farmaajo isaga oo ku baaqay in hada laga shaqeeyo sidii ay midha dhal u noqon lahaayeen wada hadalka somaliland iyo soomaaliya.

Image result for maareeye


Wasiir Maareeye ayaa hadalkiisa ku bilaabay "Runtii waxaan doonayaa inaan soo dhaweeyo hadalkii uu madaxweyne Farmaajo ka jeediyey shirweynihii garsoorka ee la xidhiidhay qadiyada somaliland iyo kulankii labada madaxweyne, hadaanu nahay siyaasiyiinta ka soo jeeda somaliland ee mudada badan u soo dhabar adaygayey in maalinuun la helo wada hadalka somaliland iyo soomaaliya oo ay ku soo noqoto midnimadii, walaalnimadii iyo wada jirkii umada soomaaliyeed, waxaanan aad u soo dhawaynaynaa kulankii labada madaxweyne iyo sida milgaha iyo sharafta leh ee madaxweyne Farmaajo garawshiyaha uga bixiyey tabashada somaliland.”


Sidoo kale wasiir Maareeye waxa uu intaas raaciyey "Dadka soomaaliyeed waa dad walaalo ah oo niyad wanaagsan kuwaas oo aan sina u kala maarmi Karin oo ay noloshoodu isku xidhan tahay, midnimada oo soo noqotaana waxay furo u noqonaysaa inay xalismaan dhibatooyin badan oo shacabka somaliland haysta iyo dhibaatooyin kale oo shacabka koonfurta haysta, labada madaxweyne, labada dawladood iyo labada shacaba waxaan ku dhiirigelinaynaa inay qaadaan qadiyadaas iyo sidii wada hadalka dib loogu furi lahaa si ay uga soo baxaan midho ay labada dhinacba ku diirsadaan.”

Loading...
Loading...