"Dhalinyarada Xamar Qabanaysa Waxba Uma Qabanayno"…Xukuumada Somaliland

0
Friday February 14, 2020 - 11:39:50 in News by
  • Visits: 1667
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dhalinyarada Xamar Qabanaysa Waxba Uma Qabanayno"…Xukuumada Somaliland

    "Dhalinyarada Xamar Qabanaysa Waxba Uma Qabanayno"…Xukuumada Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dhalinyarada Xamar Qabanaysa Waxba Uma Qabanayno"…Xukuumada Somaliland


Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa shaaca ka qaaday inaanay wax masuuliyad ahi ka saarnayn ciyaartoyga dhalinyarada ah ee socdaalka ku tagaya Muqdisho.


Agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha somaliland Maxamed Cabdilahi Saciid "Khaawi” ooka hadlayey munaasibad lagu shaacinayey tartano kubada cagta ah ayaa si weyn uga damqaday dhaliilo kaga yimid dhalinyaro ciyaartoy ah oo sheegay inay fadhiid noqotay wasaaradii ciyaaruhu.

Image result for agaasimaha ciyaaraha khaawi


Agaasime Khaawi oo ayaa ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay "Waan daawadaa shaashadaha maalin walba aniga oo ka arka inamo caytamaya oo qaarkood wasaaarado u shaqeeyaan anaga ka qayb qaadanay inaanu wasaarad gayno oo tacab galinay mushaharna ku qaata hadana maalin walba warbaahinta ka caytamaya.”


Agaasime Khaawi oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Anaga waxa uu xaq noogu leeyahay inuu noo yimaado oo uu yidhaa koob ii qabo oo goorma ayaad ii qabanaysaa laakiin inuu warbaahinta naga caayo inan yar oo aanu maalgelinay oo awood iyo tacab aanu galinay oo wasaarad ama shirkad gaar loo leeyahay u barinay oo aanu nidhi u shaqee runtii waa wax aan loo dulqaadan Karin.”


Ugu dambayn agaasime Khaawi ayaa sheegay inaanay waxba u qabanayn dhalinyarada Xamar tagta "Ama intuu inanyari noo yimaado uu yidhaa waxaan qabanayaa soomaaliya , adeer ninka xamar qabanayaa ha qabto anaguna inta hadhay iyo baaqiga ayaanu u shaqaynaynaa laakiin inanyar oo meeli cuncunayso oo Xamar ku socdo waxba u qaban mayno.”

Loading...
Loading...