Magaalada Cambridge Ee Maraykanka Oo Congress-ka Ugu Baaqday In Hindiya La Ciqaabo.

0
Friday February 14, 2020 - 10:53:29 in News by
  • Visits: 1335
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaalada Cambridge Ee Maraykanka Oo Congress-ka Ugu Baaqday In Hindiya La Ciqaabo.

    Magaalada Cambridge Ee Maraykanka Oo Congress-ka Ugu Baaqday In Hindiya La Ciqaabo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Cambridge Ee Maraykanka Oo Congress-ka Ugu Baaqday In Hindiya La Ciqaabo.

Magaalada Cambridge ee gobolka Massachusetts ee dalka maraykana ayaa noqotay magaaladii labaad ee dalkaas ee ka soo horjeesatay sharciga muwaadinimada muranka badan dhaliyay dalka Hindiya ee ay dabada ka riixayso dawlada Raiiselwasaare Narendra Modi.

Golaha degaanka ee Magaalada Cambridge ayaa Talaadadii meel mariyey qaraar aqlabiyad ah oo ay uga soo horjeedaan Sharciga Dib-u-habeeynta Jinsiyadda ee dalkaas Hindiya(CAA), isagoo markaasi ugu yeeray baarlamaanka Hindiya inay "dhowraan” dastuurka qaran ee meeshana ka saaraan Sharcigan muranka dhaliyay iyo tiraoobka ay dawladu ku baaqday.


"Waxaa soo gaadhay golaha degaanka magaalada Cambrige bishii Disembar 11, 2019, in baarlamaanka Hindiya uu meel mariyey Xeerka Wax ka Beddelka Muwaadinimada, kaas oo markii ugu horraysay diinta loo adeegsaday mid ka turjumaysa aqoonsiga jinsiyadda dadka dalka Hindiya,” ayaa qaraaka lagu yidhi.

Qaraarkan ‘Cambridge’ wuxuu caddeeynayaa in "siyaasadaha cunsuriyadda iyo cadaadiska ku dhisan ee Modi” ay ka soo horjeedeen qiyamka magaaladan, "oo ah magaalo si aan kala sooc lahayn u soo dhawaysa bulshooyinka ka yimaada Koonfurta Aasiya iyaga oo aan loo eegin diin iyo isir midna”

Golaha degaanka magaalada ‘Cambridge’ wuxuu ku boorrinayaa Xildhibaanada degaankooda laga soo doortay ku jira Congress-ka in ay ku dadaalaan meel-marinta qaraar heer qaran ah oo Hindiya ka baajinya sharcigan, kuna ciqaabaya dhaqangalinta siyaasadahaas cunsuriyada ah” ayaa lagu yidhi qaraarka.
Rauters
Xafiiska Hadhwanaag ee Borama

Qaraankan ka soo baxay golaha degaanka Cambridge ayaa yimid toddobaad ka dib markii golaha degaanka magaalada Seattle, oo ah mid ka mid ah goleyaasha degaanada ee ugu awoodda badan Mareykanka ay meel mariyay qaraar kan la mid ah, iyagoo ku booriyay Hindiya inay ka laabato sharcigan.

Si kastaba ha ahaatee, Labadan qaraar ayaa waxa ay ku soo beegmayaan waqti la rajaynayo in uu dhawaan madaxweynaha Mareykanka Donald Trump booqasho ku tago dalka Hindiya
Loading...
Loading...