Wasiirkii Maaliyada Britain Oo Iska-casilay Kaligii Taliye-nimada RW Boris Johnson.

0
Thursday February 13, 2020 - 19:53:54 in News by
  • Visits: 2130
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirkii Maaliyada Britain Oo Iska-casilay Kaligii Taliye-nimada RW Boris Johnson.

    Ra'iisel wasaaraha UK Boris Johnson Oo ku Qasbay Wasiirkiisa Maaliyada Inuu Is-casilo Maanta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisel wasaaraha UK Boris Johnson Oo ku Qasbay Wasiirkiisa Maaliyada Inuu Is-casilo Maanta.

Ra'iisel wasaaraha UK Boris Johnson ayaa ku qasbay wasiirkiisa maaliyada maanta oo khamiis ah in uu iscasilo kadib markii uu ka horyimid siyaasadaha uu damacsan yahay inuu dalka ku hogaamiyo, waxana la aaminsan yahay in iscasilaadan ay astaan u tahay sida uu RW Boris ay ka soo if-baxayaan astaamihii kaligii-taliyayaasha, isla markaana uu soo magacaabayo gole wasiiro ah oo u daacad ah meelna-mariya aragtidiisa ku aadan mustaqbalka Britain ee wixii ka dambeeyay Brexit.


RW Johnson, oo doonaya inuu hoos u dhigo waxwalba oo caqabad ku noqonkara siyaasadiisa ayaa si dhakhso ah ugu beddelay Wasiirkan is casilay ee lagu magacaabo Sajid Javid ku xigeenkiisii Rishi Sunak, oo ah taageere daacad u ah ra’iisul wasaaraha, inta badana warbaahinta ka soo muuqda isaga oo iibgaynaya siyaasada dawlada ee mustaqbalka Britain.

RW Johnson iyo siyaasiyiinta ku xeeran ayaa ah kuwo si taxaddar leh ugu diyaargaroobay is-ku-shaandhayn lagu sameeyo dawlada, iyagoo markaas isbedelka iman kara u arka fursad lagu kobcin karo karti jiilka cusub, gaar ahaan haweenka, halka sidoo kale aanay meesha ka maqnayn in xilal sare lagu abaal mariyo xubnaha daacada u ah Raysal wasaaraha iyo siyaasadihiisa muranka dhaliya.

Si kastaba ha ahaatee, iscasilaada wasiirkan maaliyada ee Britain oo dadka qaar aaminsan yihiin inay saamayn ku yeelanayso RW Boris iyo xulafadiiisa ayaa ahayd mid uu Raysal wasaaruhu si fudud u aqbalay.
Reuters
Xafiiska Hadhwanaag ee Borama
Loading...
Loading...