Baarlamaanka Itoobiya Oo Ansixiyey Sharci Xakamaynaya Warbaahinta Maxliga Iyo Baraha Bulshada.

0
Thursday February 13, 2020 - 19:23:37 in News by
  • Visits: 1260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Itoobiya Oo Ansixiyey Sharci Xakamaynaya Warbaahinta Maxliga Iyo Baraha Bulshada.

    Baarlamaanka Itoobiya Oo Ansixiyey Sharci Xakamaynaya Warbaahinta Maxliga Iyo Baraha Bulshada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarlamaanka Itoobiya Oo Ansixiyey Sharci Xakamaynaya Warbaahinta Maxliga Iyo Baraha Bulshada.

Barlamaanka Ethiopia ayaa maanta ansaxiyay sharci xakamaynaya hadalada nacaybka ah iyo warbixinaha been abuur ah ee lagu baahiyo warbaahinta maxaliga ah iyo baraha bulshada ee ay dadka reer Ethiopia isticmaalaan.

Sharciga ayaa looga golleeyahay in looga hor tago hadalada baraha bulshada iyo warbaahinta lagu wadaago ee sababa rabshadaha, takoor ka dhan ah qof ama qoomiyad, korna u qaada nacaybka diimaha iyo qoomiyadaha dhexdooda ah.

Waxaa sidoo kale ujeedada xeerkan cusub ku jirta kobcinta dulqaadka, dhiirigalinta wada hadalalada rayidka ah, is ixtiraamka, isfahamka iyo xoojinta dowladnimada iyo dimoqraadiyada.


Waxaa sidoo kale loogu talagalay in lagu xakameeyo faafinta hadalada nacaybka xambaarsan, aragtiyaha qalooca, warbixinada been abuurka ah iyo dhamaan macluumaadka marin-habaabinaya buldhada.

Sharciga ayaa sidoo kale mamnuucaya faafinta hadalada cunsuriyada xambaarsan ee a baahiyo, la daabaco ama lagu faafiyo baraha bulshada, ha noqdo qoraal, maqal ama muuqaale.

Si kastaba ha ahaatee, Baarlamaanka Ethiopia waxa uu ku ansixiyay xeerkan cod aqlabiyad ah, waxana diiday 23 xildhibaan, halka ay 2 xildhibaana ka aamuseen.
Bbc English
Xafiiska Wararka Hadhwanaag ee Borama
Loading...
Loading...