War Deg Deg Ah:-Madaxweyne Farmaajo Oo Raalgelin Ka Bixiyey Xasuuqii Shacabka Somaliland, Cafisna Dalbaday

0
Thursday February 13, 2020 - 14:47:42 in News by
  • Visits: 3231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Madaxweyne Farmaajo Oo Raalgelin Ka Bixiyey Xasuuqii Shacabka Somaliland, Cafisna Dalbaday

    War Deg Deg Ah:-Madaxweyne Farmaajo Oo Raalgelin Ka Bixiyey Xasuuqii Shacabka Somaliland, Cafisna Dalbaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Madaxweyne Farmaajo Oo Raalgelin Ka Bixiyey Xasuuqii Shacabka Somaliland, Cafisna Dalbaday


Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C.Farmaajo, Ayaa Cudur-daar iyo Raali galin ka bixiyay Xadgudubyadii ay dawladdii Militerigu hoggaaminayeen ee Gen. Maxamed Siyaad Barre, u gaysatay Shacabkii gobolada Waqooyiga ee gaboodfalkaasi kadib ku dhawaaqay, Madaxbanaanida Somaliland muddo laga joogo 30 sano.




Madaxweyne farmaajo, cafis ayuu ka dalbaday shacabka Somaliland isagoo maanta khudbad ka jeediyay Shir ka socda Magaalada Muqdisho.


"Waxa loo baahan yahay garawshiyo oo layska cafiyo wixii xuma ee dhacay, wixii jabtar madow ahaa ee taariikhdeena galayna inaan saxno macnaheedu waxay tahay in dhibkii ka dhacay waqooyi aanu cudurdaar iyo raali gelin ka samaynay, intii dhimatay iyo intii dhaawacantayna aynu nidhaahno taariikh xun ayey ahayd wixii dhacay, wixii halkaas ka dhacayna may ahayn koonfur oo waqooyi ku duushay wax qabiil ku salaysana may ahayn balse nidaam dawli ah oo ah oo markaa jiray ayey ahayd."

"Aniga oo madaxweynihii qaranka ah inaan cudurkaas sameeyo oo raaligelintaas aan gaadhsiiyo walaalaheen reer waqooyi idinkuna aad ila qaadataan, dhanka kalana dadkii dagaalamiyey ee qoryaha watay iyagana cudurdaar ayaa laga rabaa."


Hadalka uu jeediyay Madaxweyne Farmaajo ayaa Maalin ka hor ay markii u horaysay intii la doortay ay Addis Ababa ku kulmeen Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Loading...
Loading...