Faalo:- '' Muxuu Daarnaa Kulankii Kornayl Muuse Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo".

0
Wednesday February 12, 2020 - 15:39:46 in News by
  • Visits: 3616
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faalo:- '' Muxuu Daarnaa Kulankii Kornayl Muuse Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo".

    Faalo:- '' Muxuu Daarnaa Kulankii Kornayl Muuse Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faalo:- '' Muxuu Daarnaa Kulankii Kornayl Muuse Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo".


Hargeysa(HWN):-Madaxwayne Kornayl Muuse Biixi iyo Farmaajo ku kulmeen Magaaladda Adis ababa ayaa falanqayntiisu socotaa ilaa shalay , kaasoo qofba meel ka eegayay sidaa darteed waxay ila noqotay in aan ana aragtidayda ka dhiibto siday wax iila muuqdaan .

Kornayl muuse Biixi iyo Madaxwayne Farmaajo ee shalay kulmay mudadii ay xilka hayeen waxaa ka dhex socday dagaal wejiiyo badan kaasoo faramo badan ka socday , mararka qaarna aad loo dareemayay xajmigiisa , sidaa awgeed wax kulan iyo wada hadalo ah oo dhex maray ma jiran mudadaa ku dhaw labada sanadood iyo dheeraadka .



Halka uuu Kornayl Muuse Biixi Ku guul daraystay siyaasada arrimaha debedda gebi ahaanba iyadoo ay yaraatey xidhiidhkii u dhexeeyey Somaliland iyo wadamada jaarka ah sida:

Ethiopia, Kenia iyo Djabouti taasina waa siyaasad xumada xukumada maanta

Hadaba kulankii shalay dhacay waxaa la odhan karaa waxaa soo dedejiyay qodobo dhawra oo ay ka mid yihiin .

1- Loolanka kasoo cusboonaaday Aduunka oo badalay siyaasaddii Maraykanka ee Gobolkan kaasoo ay muuqato in Maraykanku danaynayo arrimaha geeska waayadan danbe .

2- Raysal wasaaraha Itoobiya oo danaynaya in arrinta labadan dhinac uu kaalin ku yeesho si uu ugu darsado muuqaalkiisa siyaasadeed oo u muuqda in uu isu dhigayo aktarka gobolka .

3- Wadamo kale oo iyana dabada ka riixaya xal u helista arrintan mudada dheer soo jiitamaysay .

Maxsuulka kulanka .

Kulankan oo ahaa mid albaabudu u xidhan yihiin ilaa haddana aan wax wari kasoo bixin , waxay u muuqataa in maxsuulka keiiya ee kasoo baxaa noqon karo xumad jebin iyo yaraynta heer kulkii dagaalka labada dhinac ka dhex socday .

Duruufaha ku gadaaman .

Sanadkan aynu ku jiraa waa sanadkii ugu danbeeyey muddo xileedka Farmaayo , sidaa darteed isaga iyo dawladiisu waxay ku jirtaa marxalad doorasho oo marba marka ka danbaysa sii kululaanaysa , sidoo kale Somaliland iyana sanadkan waxay ku jirtaa sanad doorasho , waxaana la filayaa marka lagga gudbo muranka gudidada doorashada in doorasho loo jeesto , sidaa darteed labada dhinac mid walba waxaa haysata duruufo u gaara sidaa darteed wada hadaladani xitaa hadii niyad wanaag laggu eego meel ma gaadhi karaan .

Dhinaca kale , doorashada ka dhacaysa Mogdisho cida ku guulaysata oo iyana la iman doonta aragtiyaheeda siyaasadeed ayaa saamayn ku yeelan doonta sidda uu noqon doono mustaqbalka wada hadal kasta oo yimaadaa , xukuumadda imika Farmaajana maba geli karto wada hadalo muddo dheer socda maxaa yeelay waqtiga u hadhay ba waa mudo kooban .

Sidaa darteed khariidada wada hadaladdu waxay muuqan doontaa doorahadda Mogdisho ka dhacaysa bisha labaad ee sanadka danbe dabadeed ,markaas ayaana la hilaadiin karaa sida ay wax u dhaqaaqi karaan , inta ka horaysana wada hadal rasmiya oo dhici karaba ma jirro .


Hadhwanaagnews

Hargeysa/office

Loading...
Loading...