Kulanka labadda Madaxwayne , Faallo '' ....W/Q Axmed Nuur Guruje
Kulankii ay labadda Madaxwayne ee Muuse Biixi iyo Farmaajo ku kulmeen Magaaladda Adis ababa ayaa falanqayntiisu socotaa ilaa shalay , kaasoo qofba meel ka eegayay sidaa darteed waxay ila noqotay in aan ana aragtidayda ka dhiibto siday wax iila muuqdaan .
Labadda Madaxwayne ee shalay kulmay mudadii ay xilka hayeen waxaa ka dhex socday dagaal wejiiyo badan kaasoo faramo badan ka socday , mararka qaarna aad loo dareemayay xajmigiisa ,sidaa awgeed wax kulan iyo wada hadalo ah oo dhex maray ma jiran mudadaa ku dhaw labada sanadood iyo dheeraadka .
Hadaba kulankii shalay dhacay waxaa la odhan karaa waxaa soo dedejiyay qodobo dhawra oo ay ka mid yihiin .
1- Loolanka kasoo cusboonaaday Aduunka oo badalay siyaasaddii Maraykanka ee Gobolkan kaasoo ay muuqato in Maraykanku danaynayo arrimaha geeska waayadan danbe .
2- Raysal wasaaraha Itoobiya oo danaynaya in arrinta labadan dhinac uu kaalin ku yeesho si uu ugu darsado muuqaalkiisa siyaasadeed oo u muuqda in uu isu dhigayo aktarka gobolka .
3- Wadamo kale oo iyana dabada ka riixaya xal u helista arrintan mudada dheer soo jiitamaysay .
Maxsuulka kulanka .
Kulankan oo ahaa mid albaabudu u xidhan yihiin ilaa haddana aan wax wari kasoo bixin , waxay u muuqataa in maxsuulka keiiya ee kasoo baxaa noqon karo xumad jebin iyo yaraynta heer kulkii dagaalka labada dhinac ka dhex socday .
Duruufaha ku gadaaman .
Sanadkan aynu ku jiraa waa sanadkii ugu danbeeyey muddo xileedka Farmaayo , sidaa darteed isaga iyo dawladiisu waxay ku jirtaa marxalad doorasho oo marba marka ka danbaysa sii kululaanaysa , sidoo kale Somaliland iyana sanadkan waxay ku jirtaa sanad doorasho , waxaana la filayaa marka lagga gudbo muranka gudidada doorashada in doorasho loo jeesto , sidaa darteed labada dhinac mid walba waxaa haysata duruufo u gaara sidaa darteed wada hadaladani xitaa hadii niyad wanaag laggu eego meel ma gaadhi karaan .
Dhinaca kale , doorashada ka dhacaysa Mogdisho cida ku guulaysata oo iyana la iman doonta aragtiyaheeda siyaasadeed ayaa saamayn ku yeelan doonta sidda uu noqon doono mustaqbalka wada hadal kasta oo yimaadaa , xukuumadda imika Farmaajana maba geli karto wada hadalo muddo dheer socda maxaa yeelay waqtiga u hadhay ba waa mudo kooban .
Sidaa darteed khariidada wada hadaladdu waxay muuqan doontaa doorahadda Mogdisho ka dhacaysa bisha labaad ee sanadka danbe dabadeed ,markaas ayaana la hilaadiin karaa sida ay wax u dhaqaaqi karaan , inta ka horaysana wada hadal rasmiya oo dhici karaba ma jirro
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!