Madaxweyneyaal Ganafka Ku Dhuftay Inay La Kulmaan Kornayl Muuse Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Ay Saf Ugu Jiraan.

0
Wednesday February 12, 2020 - 12:05:02 in News by
  • Visits: 4872
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyneyaal Ganafka Ku Dhuftay Inay La Kulmaan Kornayl Muuse Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Ay Saf Ugu Jiraan.

    Madaxweyneyaal Ganafka Ku Dhuftay Inay La Kulmaan Kornayl Muuse Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Ay Saf Ugu Jiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyneyaal Ganafka Ku Dhuftay Inay La Kulmaan Kornayl Muuse Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Ay Saf Ugu Jiraan.


Hargeysa(HWN):-Hogaamiyaha somaliland Kornayl Muuse Biixi oo ku guda jira safarkiisii bilaa ajandaha ahaa ee uu ku tagay wadanka Itoobiya ayaan wali wax natiijo ah gaadhin.


Kornayl Muuse Biixi ayaa intii uu ku sugnaa Addis Ababa waxa uu dalbaday inuu kulan la qaato qaar ka mid ah madaxweyneyaasha qaarada Afrika ee Addis Ababa ku shirayey.

Image result for muuse biixi iyo farmaajo


Madaxweyneyaashii uu codsaday Kornayl Muuse Biixi inuu la kulmo oo ay ka mid ahaayeen madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa oo la wareegay madaxtinimada wareegta ee midawga Afrika Iyo madaxweynaha dalka Gabon Ali Bongo ayaan suurta gelin ka dib markii ay madaxweyneyaashaasi ganafka ku dhufteen inay wax kulan la qaataan kornayl Biixi.


Sidoo kale Kulamadan uu hogaamiye Biixi doonayo inuu ku arko qaar ka tirsan Madaxweynayaasha Afrika, ayaa waxa la sheegay inay kornaylka ka caawinayaan diblomaasiyiin shisheeye, laakiin weli lama hayo war rasmi ah oo xaqiijinaya cid ka tirsan madaxda Afrika oo uu Madaxweyne Biixi la kulmay.


Sidoo kale wararka ayaa sheegaya inaanu jirin wax kulan ah oo Addis Ababa loogu qorsheeyay inuu ku dhex maro hogaamiye Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo balse codsi ka yimid kornayl Biixi oo uu ku dalbaday kulanka madaxweyne Farmaajo ayaa waxa suura geliyey isla markaana la kulansiiyey raysal wasaaraha Itoobiya.


Kulanka dhexmaray hogaamiye Biixi iyo madaxweyne Farmaajo oo qaatay ku dhawaad afartan daqiiqo ayaan ilaa hada la shaacin waxyaabaha lagaga hadlay iyada oo aanu ilaa hada jirin war ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha Itoobiya oo lagu faah faahinayo kulanka labada dhinac.


Hogaamiye Muuse Biixi oo aan ilaa hada safarka uu ku joogo wadanka Itoobiya ka gaadhin wax natiijo ah ayaa ku sii adkaysanaya inuu ku sii sugnaado Addis Ababa, isaga oo naawilaya inuu la kulmo qaar ka mid ah madaxweyneyaasha Afrika.


Dhinaca kale madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ka mid ah madaxweyneyaasha Afrika ee ku sugan Addis Ababa ayaa kulamo kala duwan la qaadanaya madaxda ka soo qayb galay shirka Itoobiya.


Madaxweyne Farmaajo ayaa ilaa hada la kulmay Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles MICHEL, waxayna iska wareysteen horumarka ay Dowladdu ka sameysay dib u habeynta hay’adaha amniga, horumarinta dhaqaalaha, xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika iyo taageerada Midowga Yurub ee dowlad-dhisidda Soomaaliya.


Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa soo bandhigay guulaha ay gaadhay dawlada soomaaliya iyo fursadaha u baahan in si wadajirka ah looga faa’iideysto Qaarad ahaan.


Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale shir-doceedyo la yeeshay Ra'iisul Wasaareyaasha dalalka Norway iyo Canada, waxaana ilaa hada si habsami ah u socda shirarka uu madaxda Afrika iyo kuwaa caalamka kula qaadanayo magaalada Addis ababa.


Si kastaba ha ahaatee Hogaamiye Muuse Biixi ayaa u muuqda mid aan natiijo wanaagsan kala kulmin safarkiisa Adis Ababa oo u muuqday mid bilaa ajande ah halka madaxweyne Farmaajo ilaa hada ku guda jiro fulinta kulamadii u qorshaysnaa inuu la qaato madaxda Afrika iyo kuwa Caalamka ee Itoobiya ku sugan.


Marka laysku soo duubana marka laysku soo duubo dad badan oo reer somaliland ah ayaa iswaydiinaya arimaha somaliland khuseeyo oo uu hogaamiye Muuse Biixi ka iibinayo Afrika iyo caalamka iyada oo laga war qabo inuu soo afjaray doorashooyinkii somaliland, dimuqraadiyadii dalka ka hanaqaday, xoriyatul qawlkii caalamku ku tixgelin jiray somaliland, cadaaladii iyo wada lahaanshihii somaliland.




Hadhwanaagnews.com/Office


Hargeysa/Somaliland

Loading...
Loading...