Intee Ayuu Socday Kulankii Madaxweyne Farmaajo La Yeeshay Kornayl Muuse Biixi?

0
Tuesday February 11, 2020 - 20:32:50 in News by
  • Visits: 7036
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 3
  • Share via Social Media

    Intee Ayuu Socday Kulankii Madaxweyne Farmaajo La Yeeshay Kornayl Muuse Biixi?

    Intee Ayuu Socday Kulankii Madaxweyne Farmaajo La Yeeshay Kornayl Muuse Biixi?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Intee Ayuu Socday Kulankii Madaxweyne Farmaajo La Yeeshay Kornayl Muuse Biixi?


Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa galabta ku kulmay magaalada Addis Ababa.

Farmaajo iyo Muuse Biixi


Ilo lagu kalsoon yahay oo ay la hadashay idaacadda VOA ayaa noo xaqiijiyey inay labada hoggaamiye ku kulmeen xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.


Ilaa hadda ma cadda qodobada ay ka wada hadleen. Waxaa wararku ay sheegayaan in kulankoodu uu qaatay 40 daqiiqo ilaa hal saac.


Kulanka labada hoggaamiye ayaa la sheegay inuu ahaa mid labadooda keliya ay wada qaateen oo aysan la joogin wasiirrada iyo xubnaha kale ee wafdigooda.


Waa markii ugu horraysay ee ay kulmaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi, iyadoo dhowr jeer ay wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ay dib u dhaceen.

Loading...
Loading...