Maxaa Somaliland Fursad Ugu Jira Safarka Hogaamiyaha Somaliland Uu Ku Tagey Addis-Ababa ?
Ethiopia Oo Uu Ka Socdo Shir Madaxeedkii Midowga Afrika ?
" Inta aanan u gudbin ujeedada qoraalkayga waxa aan xasuusinayaa
akhristayaasha taariikhda Somaliland iyo Somalia oo dul ka xaadis ah "
Somaliland waxa ay ahayd 28 sanadood qaran dawladnimadii uu kala
bahoobay Italian Somalia , 1 July 1960 kii ee ay ku midoobeen
Jamhuriyadii Somalia in ay u raadiso in aduunyadu aqoonsato la soo
noqoshada madax banaanideeda qaranimo.
Haddaba waxa mudadaa dheer xukuumadihii kala dambeeyey dedaal ugu
jireen in ay aduunku Somaliland u aqoonsado qaran ka mid ah qaramada
aduunka , iyada oo asbaabaha ay Somaliland ku doodeyso ay yihiin qaar
wada xoogan isla markaana ay buuxisay shuruudihii dawladnimo oo dhan.
Waxa hawshan Somaliland waday caqabad ku ahaa mudadaa dheer in cidii
ay la bahowday aanay dawladnimo iyo kala dambayn midna haysan si loo
wada hadlo , waxaana aduunku tacab badan galiyey in Somalia la nabadeeyo
dawladana loo dhiso , inkasta oo aanay ilaa maanta ka dhisnayn dawlad
la odhan karo waa mid cago ku taagan oo iyadu wax maamusha.
Somaliland iyadaa dhisatey dawladnimada ma jirto cid wax ku bixisay
oo aduunka ahi , waxa ay maamushaa guud ahaan dhulkeeda , badeeda iyo
hawadeeda , waxa ay leedahay dastuur , axsaab siyaasadeed , ciidamo ,
shaqaale , iyo nidaamka dimuqaradiga ah ee axsaabta badan , waxaana
Somaliland 28 kaa sanadood soo maray 5 madaxwayne oo sadex ka mid ah
codka shacabka ku soo baxeen.
Haddaba Somaliland Maxaa faaiido ah ee ugu jira safarka uu Madaxwayne Biixi dalka Ethiopia ku tagey ?
Waxa muuqata in Madaxwaynaha Somaliland casuumad dawladeed uu ku
tagey marka aad eegto hab maamuuska loo qaabiley iyo qaabkii loo soo
dhaweeyey.
Marka laga tago ujeedooyinka aan ilaa hadda la ogeyn ee madaxwayne
Biixi ku tagey dalka Ethiopia , haddana waxa aan faaqidi karnaa
fursadaha ugu jira safarkan qaranka Jamhuriyada Somaliland.
1- Dalka Ethiopia waxa ka socda shir madaxeedkii 33naad ee midowga
Africa oo Madaxwayne yaasha qaarada Africa oo dhami ay halkaa ku sugan
yihiin , Somaliland na ay fursad u heli karto in ay hadii aanay shirka
qayb galin ay madaxda isugu timid kulan doceedyo qadiyadeeda ku
gaarhsiin karto.
2- Dalka Ethiopia waxa ku sugan oo shirkaa u yimid madax badan oo
aduunyada kale ka kala socoto , iyo madaxda ururada caalamiga ah ee
aduunka oo iyaduna fursad u ah in Somaliland ay kulano la yeelato
daneheega iyo arimaheegana kula socodsiiso .
3- Dalka Ethiopia waxa lagula kala wareegay hogaamintii sanadlaha
ahayd ee midowga Africa oo laga wareejiyey Madaxwaynaha dalka Masar
Cabdulcadiis Alsiisi , waxaana la wareegay madaxwaynaha koonfur Africa
Mr Ramaphosa oo ah dal ka duwan masar , isla markaana dar dar iyo waji
cusub oo Africa wax badan lagaga qabto horseedi kara , Somaliland na
qadiyadeeda ka iibin karto.
4- Dalka Ethiopia shirkii uga socday midowga Africa waxa sanadkan
hal ku dhig u ahaa in la Aamusiiyo qoriga , oo macnaheedu tahay
dhamaynta iyo soo afjarida colaadaha , Geeska Africa oo ay Somaliland ka
mid tahay wadamada ugu nabdoona ay ka qayb qaadan karto ololahaa soo
afjarida colaadaha iyo Aamusiinta qoryaha.
5- Shirka Midowga Afrika ee dalka Ethiopia wadamada lagu soo qaaday
in colaadaha ka jira la xaliyo waxa ka mid ah South Sudan iyo Libya oo
marka loo dhabo galo dawladnimada koonfurta Sudan heshay in ay ka
mudbayd in Somaliland la siiyo oo taariikh ahaan , qadiyad ahaan ,
sharci ahaan iyo buuxinta shuruudaha dawladnimoba kaga haboonayd , taasi
oo sababi karta in la isla soo qaado ka midho dhalinta arimaha
#Somaliland iyo #Somalia ee jiitamaya 28 ka sanadood , oo aduunku
Somaliland cagta ku hayey si ay Somalia u soo kacdo .
6- Ka midho dhalinta isbadelkii siyaasadeed ee Geeska Africa oo
laftiisuna aanu midho dhalayn ilaa qadiyada Somaliland iyo Somalia dhex
taalla xal loo helo si Somaliland u noqoto dawladaha ka hawlgalaya
mushkilada Somalia dhex taalla maadaama iyadu dhaqan ahaan , dad ahaan
iyo dawlad ahaan noqonayso ta ugu dhow ee wax la qaban karta Somalia.
7- Arimaha ka dhexeeya Afrika waxa iska leh midowga Afrika oo loo
daba fadhiisanayaa , Somaliland waxa ay dardar galin iyo kalsooni siin
kartaa in midowga Afrika dhex galo Arimaha Somaliland iyo Somalia ,
waxaana ay u sharixi kartaa qadiyadeeda gudiyada joogtada ah ee midowga
Africa ku leeyahay dalka Ethiopia.
8- Urur goboleedka IGAD waxa isagana xoghaye ka ah wasiirkii arimaha
dibada ee dalka Ethiopia , oo dhawaan la wareegay , Somaliland waxa ay u
tahay fursad maadaama uu yahay shaqsi Geeska Africa arimaha ka socda
aad ugu xog-ogaal ah isla markaana qadiyada Somaliland gayn kara urur
goboleedka IGAD.
9- Somaliland waxa ay dawladaha midowga Afrika iyo kuwa aduunkaba ee
madaxdoodu ku sugan tahay caasimada dalka Ethiopia ee Adis-Ababa la
sameysan kartaa xidhiidho ganacsi , iskaashi iyo maalgashi xataa hadii
aanay helin xidhiidho diblomasiyadeed maadaama ay ku taallo meel aad u
muhiim ah oo aduunka oo dhami u baahan yahay.
10- Iyo ta ugu dambaysa oo ah in Adis-Ababa ay kuwada sugan yihiin
Madaxwaynaha Somaliland iyo Madaxwaynaha Somalia oo 3 sanadood ee ugu
dambaysay dagaalo diblomaasiyadeed iyo qaar colaado Somalia dabada ka
riixaysaa ka dhex jireen in aduunku iyo midowga Africa dhex-dhexaadiyaan
oo inta Somaliland iyo Somalia dhinac u kala dhacayaan la yidhaahdo
aduunku si isku mid ah ayuu idiin la macaamilayaa labadiinaba oo
khilaafkii warbaahinta, diblomaasiyada iyo colaadaha hoose lahaa halkaa
lagu soo afjaro.
Intani waa inaha la saadaalin karo , marka aynaan ogeyn waxa qarsoon ee ujeedada safarka madaxwaynaha Somaliland.
Mohamed Abdi Jama
Facebook : Muhamed Dhimbiil
Mob: 4241005 , 4429221
Twitter : @dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...