Khasab Taydda Uun Maqal iAbdi-Shotaly).

0
Tuesday February 11, 2020 - 10:32:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khasab Taydda Uun Maqal iAbdi-Shotaly).

    Tixdan waxa la yidhaahaa "Khasab taydda Uun Maqal".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tixdan waxa la yidhaahaa "Khasab taydda Uun Maqal".

Waa tix aan mudo hore tiriyey. oo arimihii ay sheegay-say, ay maanta hadana ka sii dareen, hadh iyo habeen-ba ay taagan yihiin ee ku soo dhawaadda:-


(1) Markii doorashadu timi, mudaan qayli-naayo,
(2) U hubsadda bal maantoo, yuu munaafaq kuu talin,
(3) Yey ku marin habaabine, danta maw midaw-naa,
(4) Ku mitidda ninkii saxa, xaqaa maw nimaadnaa,
(5) Asal-kiyo muhiimkii, sahan maw astaynaa,
(6) Markii ayga diideen, mujrim miyaa u doodaan?
(7) Abaal-keeni maan helin, ma daboolan dhegahoo,
(8) Ruuxaan mashxarad iyo, sacab aan mar wadda tumin,
(9) Maxaad sheegay-saan iyo, Qaranimo ma rabo iyo,
(10) Markaa looga yeedhiyo, waa mucaarid liitiyo,
(11) Gole maaha jira'iyo, waxaan meesha qabaynayn,
(12) Dhaxal-kiini muu noqon, mamnuuc weeye debed buxu,
(13) Nin mudaaha-raadaba, miyaad aragtay yimiyoo?
(14) Saxaafa-dana muq-muqa goyn, mergiyadda war-baahinta,
(1S) Shir ma yeelan karay-saan, ku amaana mooyee,
(16) Miidaamo weeye'e, Khasab taydda uun maqal,
(17) Maaweelo la ogayaa, masruuf layga dhigayaa,
(18) Magac doonis-tiisiyo, muuqaalo aan jirin.
(19) Dul-qaad waa ka madhan-yiin,dafiraadna waa muush,
(20) Masalooyin dhawraan, halkan kaaga marinoo,
(21) Miimka kuugu qorayaa, Maan-kaaga wayddii,
(22) Ninka muunaduu dhalay, guduudane u mehershee,
(23) U mixiisay jiifaa, surin uu u maro hayn ,
(24) Mara-boob u jilib xidhay, isagoon malay-sanin,
(25) Ku wareejay maalkii, Mulki-siiyey ee yidhi,
(26) Madax adigu ka ahaw, muran miyuu ka joogaa?
(27) Inuu maydku badan oo, miciyuhu saliil-yoon.
(28) Jawaab-teedu waa maya, miim kalena wuxu yahay,
(29) Maaweelo la ogyaa, masruuf layga dhigayaa,
(30) Magac doonis-tiisiyo, muuqaalo aan jirin.
(31) Dulqaad waa ka madhan-yiin, dafiraadna waa muush,
(32) Haduu muumin sheegtiyo, mufti shiikha uu yahay,
(33) Wacad male dhurwaa-guye, ninka maqasha raacsaday,
(34) Midi yuu halaabine, ka ilaali daba milikh (dacawadda),
(35) Makhrib-kana xeradda keen, midh-midh iigu soo tiri,
(36) Miyey kaa sandahan tahay, inuu milcidda wadhayoo,
(37) Danyo-Cali macsuumiyo,haadkii madax dheeraa,
(38) Ama salal-madhlaha'iyo, gorgor hawadda meeraa,
(39) Muruqa-yadda la sii bixi, intaan aar mudh soo odhan.
(40) Jawaab-teedu waa maya, miim kalena wuxu yahay,
(41) Maaweelo la ogyaa, masruuf layga dhigayaa,
(42) Magac doonis-tiisiyo, muuqaalo aan jirin.
Dulqaad waa ka madhan-yiin,dafiraadna waa muush,
(43) Ninka yey mansuuliyad, yidhi meesha u saree,
(44) Maamuusna ugu daray, mididdii u dhiibee,
(45) Raq-dda maamul hilibkoo,macaan jeceshu yey cunin,
(46) Ayax soo dul mara iyo, inta gabal markuu dhaco,
(47) Madawgaa Ku ceesh-tiyo, maxastay wataanoo,
(48) Masaakiinta joog-tiyo, maatadda u qaybiya,
(49) Ha habsaamin miridh qudha, qanjidh yuu maqnaanoo,
(50) Meesha yaan la boobine, marag Eebbe ka ahaw,
(51) Inuu yey midhkaa fali, miyaad weli sugaysaan?
(52)Jawaab-teedu waa maya, miim kalena wuxu yahay,
(53) Maaweelo la ogyaa, masruuf layga dhigayaa,
(54) Magac doonis-tiisiyo, muuqaalo aan jirin.
Dulqaad waa ka madhan-yiin,dafiraadna waa muush,
(55) Nin abeeso magan-saday, inu mayd mid-kood yahay,
(56) Mudo aan fogayno, is muquunnin doonaan,
(57) Miyaad diidan tahay taas? Nolol miyey wadaagaan?
(58) Milicsiga indhaha iyo, ma digtoona maqal-kuba,
(59) Belo meel dhaw kuma oga,inay maruun qarxaysoo,
(60) Loo maleegan qayladda, god madaw in lagu rido,
(61) Iyaduna ma been baa, runta lagama maarmee.
(62) Jawaa-teedu waa maya, midka diidan yeelkii,
* N.B Garashuu ka madhan yoo, Jaahil Lama Miciinsado!
Qore:- Abdi-Shotaly

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...