Xoolo Aanad Lahayn Laguma Kibro ( abdi-Shotaly)
Miidaamo dhego ma leh haddii malag u dhawaaqee, halkii laga filaayey, in uu soo fadhiisto, oo gar baxo, kana jawaabo su'aalaha sare ku yaal iyo qaar kaloo badan, waa ka sii afar qaaday, siddii nirgo gu' barwaaqo ah jooga. wuxu sidaa ku socd-ba, sheedda laga eego-ba, maalintii dambe, buu ri' dhashay iyo waxar-teeddii uu sayladda ku soo xidhay, oo ah kuwii agoonta loo lisaayey. Akhristaw waa ta la isla kacay, ee la yidhi sidan lama eegano karo, ee ninkan wax ha laga qabto, ka bixi waayey af-dhuub-yaalaysi, faan iyo fakh-fakh cariigsi ah, maalin kaste neef xadhigga ku sii xidhanaaya, ee tuuladda ugu shaah doona-naaya, xaraash iyo iibin ku bilaabay, ina kuwii daasadda dawersiga, ay derbi-yadda ku wadda wadaagi jireen ku qub-qubaya ( Waa xigta-diisa'e), isaga oo aan u miidaan deyin. Cishaddii danbe baa loo tashaday, markii si aan cid-na ka qarsoonayna la isula arkay, in nin-kani siduu wax u wadaa aanay si ahayn, ee la soo fadhiisiyo, la yidhaaho Sheekhaw micnahaa? Waa ta loo yeedhay ee la yidhi, bal ka waran Xoolihii agooonta, si waalan baa wax u wadaaye? Af buuxa baa wuxu ku jawaabay "Ma dan baan ka leeyahay Riyaha Danabku laynaayo", halkay doonto ha ka carceerto, ha iskuna rogmato, ee aan rarka ku adkeeyo, buu si toos ah u yidhi, halkii wax kale laga eegaayey. Waa wax aanu lahayn ilayne, oo kolay beri baa la iga qaadayaa, intaan hayo-na waan ka sii ciil bixi buu meel dhigtay. Hadii la is yidhaaho ka wareejiya si aan wax-baba la iigu imanin. Waa duni aakhir-sebaane, miskiinkii waa ka halkaa ka booday, ee cadaystay in ay wixiisu yihiin badheedh, kuba hanjebay "Anigaa ka taliya ee yeela sidaan idin sheego" wax aanad lahayn oo aad ku kibirtaa xumaa.
Waxan uga socdaa hadaba, askari-gani, isaga oo cumaamad keliya madaxa ku duuban, oo kaba la', buu dalka soo galay, isaga oo qarafsa-naaya, waxba aanay dhulka ka oolin, labadda baabaco dhigaaya raran kulul, safantu jeex-jeexday cidhbaha, markii uu boob ku hantiyey mood iyo nool-ba waxay ummadu lahayd, waa kaa ri'dda dhashay iyo waxar-teeddii xaraashka ku taagay ( waayo mayaqaan wax-tarka ay leedahay), intii ka qubquba-tayna uu u saydhiyey macaan jecsha ku xeeran, sidda Geenyo shaaximaan, ka qorshaynta ee Gafane ( Waxad ugu yeedhaan Gaafaadhiye), ka xanaanadda xoolaha, ka maaliyadda iyo inta uu ku magacaabo maamulka ku beeleysan iyo gaashaan buur-tiisa. Waxan ku soo qafilay qoraalkan, xaqiiq-na ah iyo biyo kama dhibcaan, waa halkii cigaal shidaade " isma ogi askar-tuye, saadambay garan, markay silicdee, surku ku qalalo, saantay karsadeen", iska daa dad, dal iyo duunyo'e, marka idinka la idin xaraasho, ee sidda lax daabaxaad ah sayladda la idinku taxo, ba aydin qooma-maun doontaan,haddii aad ka waan-toobi waydaan, khaladka aad ugu sacab tumaysaan, tuug-tana aydaan iska qaban. Maah-maah baa waxay odhanaysaa " Nin-ba tacabkii talooy kaa maal" Sidaas awgeed, maalin kale baad ka shalaayi doon-taan, malaha maanta uma jeedaane, marka ay idin-la tagto seeftu, ee wiish idin-la sare kaco, baad caana-heedda ka malai doon-taan.
N.B Ma Dan Baan Ka Leeyahay Ri'yaha Danabku Laynaayo.
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!