Fadhigii Golaha Shacabka Oo Baaqday Iyo Xildhibaano Soo Jeedin U Gudbiyey Shirgudoonka.

0
Saturday March 30, 2019 - 14:53:02 in News by
  • Visits: 965
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadhigii Golaha Shacabka Oo Baaqday Iyo Xildhibaano Soo Jeedin U Gudbiyey Shirgudoonka.

    Maxay Tahay Soo Jeedinta Ay Xildhibaanadu Gudbiyeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay Tahay Soo Jeedinta Ay Xildhibaanadu Gudbiyeen


Muqdisho(HWN):Fadhi ay maanta yeelan lahaayeen xildhibaanada golaha shacabka ee soomaaliya ayaa dib u dhacay.

Kulanka baaqday ee xildhibaanada golaha shacabka oo furitaan u noqonayey kal fadhiga 5aad ee golahaasi ayaa u qabsoomi waayey ka dib markii ay soo xaadiri waayeen inta badan xildhibaanadu.




Gudoomdiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ka hadlay fadhiga baaqday ayaa xildhibaanada ugu baaqay inay ka soo xaadiraan fadhiyada isla markaana soo buuxiyaan kooramka looga baahan yahay.


Dhinaca kale xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ayaa soo jeedin ku saabsan ajandaha kalfadhiga 5aad ee golahaasi u gudbiyey shirgudoonka, iyaga oo codsaday in qodobada lagaga hadlayo fadhigan lagu soo daro xaalada amaanka ee Muqdisho oo u muuqata mid sii xumaanaysa.


Xildhibaanada soo jeedinta u gudbiyey shirugdoonka ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in xildhibaanadu ay si rasmi ah u matalaan shacabka isla markaana ay ka hadlaan arimaha taabanaya nolosha bulshada iyo nolosha xildhibaanadaba.


Sidoo kale xildhibaanadan ayaa ku baaqay in xukuumada lagula xisaabtamo arimaha amaanka isla markaana baarlamaanku guto waajibaadkiisa shaqo.



Hadhwanaagnews.com/Muqdisho

Loading...
Loading...