29 Maaris Maantoo Kale Waa Maalintii La Doortay Gollayaasha Deegaanka Maxaa Laga Dheefay?

0
Saturday March 30, 2019 - 10:14:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1163
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    29 Maaris Maantoo Kale Waa Maalintii La Doortay Gollayaasha Deegaanka Maxaa Laga Dheefay?

    Maantoo kale waa maalintii la doortay gollayaasha deegaanka hargeysa, kuwaas oo laga dhur sugayay waxyaalo badan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maantoo kale waa maalintii la doortay gollayaasha deegaanka hargeysa, kuwaas oo laga dhur sugayay waxyaalo badan,
 isla kuwaa oo loo doortay inay keenaan waxyaalo badan oo wax ku oolo, wax qabadyo badan oo bilicyo leh si ay ugu dhigaan oo ugu talaabsadaan caasimada magaaladda hargeysa.

Balse wax badan waa sideeda wax badana sidii laga filayay ma noqon,.

Berbera oo ah magaalo xeebeed dhacda waqooyi galbeed ee gobolka saaxil, ayaa noqotay dubai yar, kadib markay heshay rag iyo dad wada jira, kuwaas oo noqday halyeeyo u kacay waxqabadka deegaankooga.


Berbera oo uu hadda ugu sareeyo ninka sida qoraxda u iftiima ee mr cidin ayaa baryahan danbe lasoo baxay dar dar iyo fir fircooni dheeriya.

Inta laamiyo ladhisay inta dhir lagu beerey iyo inta la qurxiyay ayaan tiro lagu koobi karayn,
Berbera hadda waxay noqoto goob qurxoon oo aan lagu hungoobin waxay noqotay meel u roon indhaha , taas waata lagu amaani karo goloyaasha deegaanka caasimadda berbera.

Dawladdan hadda tallada haysa oo ah dawlad firfircoon oo madaxweyne activA majaraha u hayo , kaasi oo yimaada xafiiska xilli hore ayaa rabta inay dhigto taariikh kasareysa kuwii hore taas oo loo aayi doono.


Haddaba gollaha deegaanka hargeysa waxaan kula tallinayaa inaad imika is daba qabataan oo aad sida berbera hargaysa ka dhigtaan oo aad dhaqaaqdaan oo dadka danbe taariikh uga tagtaan
Hamse riiraaash

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...