Jooji Hawlaha Macdanta ee sida Sharci Darrada uga Socda Fiqi Ayoub

0
Monday January 20, 2020 - 07:37:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1190
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jooji Hawlaha Macdanta ee sida Sharci Darrada uga Socda Fiqi Ayoub

    Inta uu socday ololaha madaxtinimada Somaliland sannadkii 2017,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta uu socday ololaha madaxtinimada Somaliland sannadkii 2017,
dadka Fiqi Ayoub iyo Ceel Baxay ee ka soo jeeda gobolada Togdhare iyo Sahel, waxay si xushmad leh iyo xad dhaaf ah, codkooda u siiyeen Muse Bihi Abdi, kaasoo loo doortay in uu noqdo madax weyne.

 

Nasiib darro, Madax Weynahu wuxuu taageereyaashiisa niyadda u haaya ku abaal mariyay in uu Wasiirkiisa Tamarta iyo Macdanta, Mr. Jama Maxamuud Cigaal, u fasaxo in uu khayraadka dabiiciga deegaanka ka iibiyo koox aan damiir lahayn oo hunguri doon ah oo ka kooban maalgeliyeyaal shisheeye iyo kuwa ka soo jeeda waddanka, kuwaasoo aasaasay shirkado been abuur ah ay ugu talogaleen in ay ka maaleystaan. Waxay qorteen farsamo yaqaano calooshood u shaqeysteyaal Shiino, iyaga mattala, oo u soo saara macdanta (jilicsan) iyagoo aan magdhaw siinin dadka Somaliland iyo dadka daggan deegaanka, kuwaasoo ah milkiileyaasha xaqa u leh dhulka.

 

Warar leysku halleyn karo ayaa sheegaya in Wasiirka Tamarta iyo Macdanta, in si aan la manceyn karin oo lala yaabo, uu hawlwadeenadaan ku shaqeysto ugaarsiga iyo mugdiga siiyay 92% milkiyadda khayraadka dabiiciga dagmada. Dawladda waxay leedahay baaqiga u soo hara ee 8%. Bixintaan duuduubka ee sharci darrada ah ee laga xanaaqo oo loo geystay macdanta waddanka waa wax aan la fahmi karin.

 

Hase ahatee, sidee ayuu Wasiirka Jama iyo kuwa isaga raacsan u fullin karaan falalkaan sharci darrada ah una khiyaani karaan barlamaanka, aqalka odayada, meediyaha qaranka iyo dadweynaha kuna baxsan karaan? Maxay tahay sababta aysan u jirin warbaahin aan ka baqin in ay la xisaabtanto kuwa sheegta awoodda? Warbaahinta waxba kama sheegin arrintaan mana sameynin baaritaan, nooc kasta ha ahaato.

 

Dhawaanahaan, bacdamaa Baarlamaanka uu diiday sharciyada u dagsan Tamarta iyo Macdanta, maxay tahay aasaaska sharciga ay dawladda u adeegsatay ogolaashada xattooyada macdanta dagmada Fiqi Ayoub iyo meelaha kale? Sidoo kale, maxay yahiin sharciyada u ogolaan kara Wasiirada Difaaca iyo Tamarta & Macdanta in ay ka qeybgalaan shirqool ciidan lagu geeyo halkaas si loo badbaadiyo danaha shabakada xumeyaasha ka soo horjeedo dadka nabadda jecel ee ka soo jeeda dagmada?

 

Somaliland waa bulsho ku dhisan qabiil; qaranka kama jiraan axzaab siyaasi, marka laga reebo kuwa sheegta dimoqraatiyada. Baddal ahaan, marka sida toosan loo hadlo, waxaa jira axzaab ku dhisan qabiil oo ka shaqeeya dannaha ay leeyahiin qabiilada ay mattalaan. Marka la fiiriyo dhamaan ujeedooyinka laga leeyahay, dastuurka waa warqad aan qiimo lahayn bacdamaa dawladda iyo axzaabta aysan dan ka lahayn. Xeerarka iyo sharciyada rasmiga kama qiimo badna warqadda lagu qoray maxaa yeelay lama xushmeeyo mana la hirgelliyo marka laga reebo marka loona adeegsado muwaadiinta nabadda jecel ee cabbasho ka soo jeediya xaq darrada ka soo horjeedo danahooda.

 

Tusaale ahaan, saraakiisha Waddani iyo Ucid waxba kama sheegin fashalka ka socdo Fiqi Ayoub. Inta badan kuwa fulliya xaq darrada iyo dhibaneyaashooda waxay ka tirsan yahiin isla qabiil, sidaas darteed, waxay arrinta u arkaan sida, "inkaar ku dhacday labada guri."

 

Intaas kaddib warbaahinta qaranka iskuma dayyin in ay xogogaal ka dhigto muwaadiniinta iyo in ay baahiso sharci darrada iyo musuqa ka jira hawlaha ka socda Fiqi Ayoub.

 

Kuma dhisna xikmad mana aha caqli gal in la aamino in dawladda Bihi u ogolaato tuugo shisheeye iyo kuwa ka soo jeeda waddanka in ay xaabasadaan boqolaal malyuun doolar, in ay sabab u noqdaan burburka balaaran ee loo geysto caafimaadka dadka deegaanka iyo xoolahooda, in buuraha qurxoon ee nadiifka ah ee ku yaal deegaanka loo baddalo lama daggaan.

 

Marka, maxaa dan ah aa iyaga ugu jira? Hagaag, wararka leysla dhexmaro waxay sheegeyaan in qaar ka mid ah wasiirada iyo dad kale oo ku sugan gudaha iyo dibadda dawladda laga yaabo in ay qorshahaan la abuureen maalgeliyeyaasha si ay u wadaagaan 92% milkiyadda macdanta (jilicsan). Sida la soo sheegay, saraakiisha sarsare ee ku jira dawladda waa dad qeyb ku leh afarta shirkad ee iminka ku hawlan soo saarka macdanta. Tan waxaa lagu magacaabaa danno isqilaafsan, marka la soo qaado waddamada ay ku jiraan sharciyo la hirgelin karo kana soo horjeedo saraakiisha dawladda ee ku shaqeysta khiyaanada dadweynaha, naftooda u daneeya, iyo musuqa.

 

Waxay ahaataba, inta ay socotay waanwaanta dhexmartay wakiilada dawladda iyo duqeyda deegaanka ee ku saabsaneyd mashruuca macdanta, dadka waxay soo dhaweyeen Wasiir Jama, wasiiro kale iyo mas'uuliinta soo booqatay Fiqi Ayoub dhowr jeer. Wuxuu ballan qaaday in dawladda iyo shirkadaha ay Fiqi Ayoub, Ceel Baxay, iwm. ka hirgelin doonaan mashaariicda horumarinta sida waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada bulshada, korantada, ceelasha biyaha nadiifka iyo shaqooyin la siiyo dadka dhawaanahaan lumiyay xoolahooda abaarahii darnaa iyo in ay ku hawlan yahiin raadinta siyaabo kale oo lagu dhiso nolosha.

 

Hase ahatee, Wasiirka Jama wuxuu inkiray dhamaan ballamadii uu qaaday, taasoo ahaatay mid uu ku talogalay, been iyo ballanqaadyo aan jirin. Sida aflagaado lagu darray dhaawac, wuxuu si caddaan ah u sheegay dadka deegaanka in ay ka mahad celiyaan shaqooyinka hoose ay haystaan iyo in ay sabar yeeshaan ilaa shirkadaha ka bilaabaan in ay sameyaan lacag si loogu soo tuuro xoogga jajab dheeraad ah.

 

Intaas kaddib, sida la soo sheegay, Wasiirka Jama iyo asxaabtiisa waxay ku dhaqaaqeen olole halis ah oo ku dhisan laaluush iyo cabsi gelin si ay u aamusiyaan kuw iyaga naqdiya kuwaasoo soo jeediya arrimo xaq ah oo ku saabsan falalka sharci darrada ah. Sida muuqata, waxaa iminka jira kuwo iskooda u shaqeysto oo ku hawlan daandaansi iyo cabsi gelinta qof kasta oo soo jeediya su'aalo ku saabsan fashalka Fiqi Ayoub.

 

Wasiirka Tamarta iyo Macdanta ma samaynin daraasaad ku saabsan deeggaanka mana baarin kiimikada sunta ee loo adeegsado soo saarka macdanta. Shaqaalaha ma haystaan wax ka badbaadiya, nooc kasta, arrimaha caafimaadka u darran ee suurtogalka ah soona bixi kara mustaqbalka. Ma haystaan muraayadaha la gashto indhaha, ma haystaan daboolka wijiga, ma haystaan labbis ku habboon shaqada halista. Ma jiro shaqaale ka socdo Wasaaradda oo ku sugan goobta oo sida habboon u maamula una kormeera shaqada.

 

Sida la soo sheegay, Wasiir Jama, kaddib marka uu dhiiranaan ka helay guusha muuqata uu ka gaaray Fiqi Ayoub, wuxuu shattiyada macdanta iyo batroolka siiyay shakhsiyaad la soo xullay oo ka soo jeeda qabiilo la jecel yahay in ay la wareegaan milkiyadda dhulal ka mid ah qeybo badan oo ka tirsan Somaliland. Sida suurtogalka ah, boobkaan lagu haayo dhulka wuxuu u horseedi karaa qalalaaso madani ah, iyo dagaalo sokeeye oo yaryar.

 

Bulshada caalamka waxay ammaan u soo jeedisay dadka Somaliland iyo hoggaamiyeyaashooda nabadda iyo xasiloonan ay ka dhalliyeen waddankooda laga bilaabo 1991, kuna yaal gobol xassiloonida aad ugu yar tahay oo qalalaaso badan. Tani waa hawl mudan in la ammaano oo loo baahan yahay in la sii wado, kharash kasta ha ku baxo. 

 

Sidaas darteed, Madax Weyne Musa Bihi Abdi waa in uu fulliyo qodobada soo socda:

 

1. Waa in uu degdeg u joojiyo hawlaha sharci darrada, musuqa iyo xassilooni darrada ka socoto Fiqi Ayoub.

2. Waa in uu kor kaga yimaado Wasiirka Tamarta iyo Macdanta, waa in uu joojiyo dhamaan shattiyada lagu bixiyo qabiilka ee la siiyo shakhsiyaadka ay soo dhaweystaan isaga iyo kii ka horeyay.

3. Waa in uu magacaabo guddi dhexdhexaad ah oo baaritaan tafatiran ku sameeyo kuwa sida sharciga waafaqsan qeybta ku leh afarta shirkad ee ku lugta leh hawlaha soo saarka ee ka socda Fiqi Ayoub.

4. Waa in uu guryahooda u diro calooshood u shaqeysteyaasha farsameyaqaanada Shiinaha.

 

Muwaadiniinta Somaliland ee waddanka ku sugan iyo dibadda ka ah waxay ku kalsoon yahiin in Madax Weynahoodu uu samayn doono wixii toosan si loo badbaadiyo sumcadda wanaagsan uu waddanku leeyahay, si loo ilaaliyo nabada iyo xassiloonida.

 

Cismaan Suldaan Cali

Aasaasaha Wargeyska Geeska Afrika (Horn of Africa Journal)

Tarjamada laga sameyay Ingiriisiga waxaa sameyay Access 2 Interpreters, LLC.

Columbus, OH 43215

U.S.A.

[email protected]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...