Siyaasi Ka Tirsannaa Kulmiye Oo Muqdisho Kaga Dhawaaqay Xisbi Iyo Musharaxnimo.

0
Sunday January 19, 2020 - 22:38:34 in News by A. Asbaro
  • Visits: 5038
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Ka Tirsannaa Kulmiye Oo Muqdisho Kaga Dhawaaqay Xisbi Iyo Musharaxnimo.

    Siyaasi Ka Tirsannaa Kulmiye Oo Muqdisho Kaga Dhawaaqay Xisbi Iyo Musharaxnimo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Ka Tirsannaa Kulmiye Oo Muqdisho Kaga Dhawaaqay Xisbi Iyo Musharaxnimo.

Hargaysa(HWN):-Prof. Cismaan Abuukar Dubbad oo hore uga tirsannaan jirey Xisbiga taladda Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa magaaladda Muqdisho kaga dhawaaqay Xisbi siyaasaddeed cusub.


Prof. Cismaan Abuukar Dubbad waxa uu sheegay in Xisbi siyaasaddeedkan la yidhaahdo "Hillow", waxaannu sheegay in Xisbigani uu wax badan ka qaban doonno dhibaatooyinka ummadda soomaaliyeed.



"Markaannu aragnay duruufaha haysta Shacabkeenna, markaannu darisnay hagardaamadda iyo hallaaga ay ummaddeena baddeen kala qaybsannaanta dhexdeenna iyo farro-gelinta shisheeye, markaannu ogaannay in hoggaamiyeyaashii hore ee siyaasaddu inay ku guuldaraysteen Xal u hellida dhibaatooyinka lixdan jirsadday ee qarankeenna, markaannu hoos u eegnay burburka lixaadka leh ee ay dhex fadhiddo qarannimaddii waynayd ee Soomaaliyeed iyo halista xoogga leh ee ku socota jiritaanka iyo madax-bannaanida dalka oo maraysa halkii ugu halista badnayd, markaannu dhuuxnay oo aragnay dhibaatooyinka bulsho ee aan xadka lahayn ee ah Colaadaha, Dagaalada, abaaraha, duruufaha dhaqaale, sabboolnimadda waxa lagama maarmaan noqotay in la hello siyaasad cusub oo halabuur leh oo isbadal-doon ah, isunna taagno badbaadinta dadka iyo dalka". Ayuu yidhi Prof. Cismaan Abuukar Dubbad.

"Siddaa awgeed ayay Niman indheer-garad ahi u kaceen aasaasidda Xisbigan cusub oo aannu maanta soo diiwaan-gelinnay oo ah Xisbiga nabadda, midnimadda iyo barwaaqadda ee Hillow. Xisbiga Hillow sida magaciisa ka muuqata waxa uu u taagan yahay Nabad, Midnimo iyo Horu-kac."
Waxaannu intaas ku daray oo uu yidhi "Ujeeddooyinka Xisbigu waa shan Qoddob oo kala ah

1-Dib u heshiisiin.
2-Dib u middayn qaran.
3-Dib u dhis bulsho.
4-Dib u habbayn dawladnimo.
5-Dib u currin dhaqaale.

Si kastaba ha ahaatee, Prof. Cismaan Abuukar Dubbad ayaa ka tirsannaan jirey Xisbiga taladda haya ee KULMIYE, waxaannu ka mid ahaa Siyaasiyiintii sidda wayn u ololaynaayay Madaxweyne Kornayl Muuse Biixi Cabdi.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...