Gadh-ba-Gadh Baa La Tusaa ( Abdi-Shotaly).

0
Sunday January 19, 2020 - 17:19:35 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1410
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gadh-ba-Gadh Baa La Tusaa ( Abdi-Shotaly).

    Waxay Somalidu hore u tidhi " Habar-habar loo waayey,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxay Somalidu hore u tidhi " Habar-habar loo waayey,
habar baas baa la yidhaahaaye" Waxan halkan hambaliyo iyo bogaadin uga dirayaa "Boqor Faysal" Oo intuu dhulka u jaray hadhuudh-laha ku daray "Munaafaqii kud-madaw" Kaas oo ah dira-diraalaha ku kala dhex jira Maamulka Asakarta, H. Jeclo iyo Garxajis, isaga oo camal kale wayaey in uu isku xudhuudhiyo mooyaane. cid-na aanay ka dahsoo-nayn, daahna ka saarnayn, dhiigii uu ku daadayey Degmadda Ceel af-weyn, isaga iyo inta maamulka ku jirtaa ee ay ugu horeeyaan " Maxamuud Beenaale ( Ka Maxamuud Xaashi la yidhaahaa), Raggii ma adigaa ka hadhay, Geenyo shaaximan, Gaafaadhi. Waa ninkii lahaa taladdii ahayd, in la dumiyo magaaloo-yinkii Sacad yoonis, ee Masaajiddii yidhi Cagaf-cagaf ha la geliyo, weliba doonaayey in laga raro " Sacad Yoonis" Bananka Garameel iyo Ban-cade" si uu lacagtii uu siisatay Geeliisuu ugu baryo tegay, " Macmaral Qadaafiggii Liibiya" uu u daaqsado. Inta ku goblantay ee maryo dhiigle lagala hoos baxay ( labadda dhinc-ba) iyo dhaawaca ku naafoobay, waxay labadda beelood sare u dhaafeen 100 qof ( Rabbi baa ka jari doona) oo way ku dhici goor ay noqoto-ba'e.

 

Waxa kaloo la yidhi " Oday-oday loo waaey, oday baas weeye'e, Waxa uu Boqor Faysal si wacan ugu cadeeyey, oo uu farta ka saaray Kud-madaw, oo kashifay hawlihii ay ku wadda socdeen labadda askari, ee Guriggii Moorgan " Xaafad-tooyadda" laga soo abaabulo. Wuxu banaanka soo dhigay in wixii ay rabaan askartu ama doonayaan-ba in ay ku kacaan, ay inta aanay ku dhawaaqin iyaku u soo dhiibaan Kud-Madaw, oo ay ku yidhaahaan shir jaraa'id qabo, oo kaga hadal arimhaha markaas taagan. Taas oo dhab noqotay, lana hayo raad-keeddii iyo xaqiiq-ddii oo cid beenin karaysaa aanay jirin. Waad ogaydeen " Kud-madaw" halkii go'aan lagu kala diro Komishanka dhanka ka raran laga filaayey " Raggii ma adigaa ka hadhay" Maalintii loo balan-sanaa laba cisho ka hor, uu sii sheegay waxa ka soo bixi doona " Xaafad-tooyadda" Askariga waalanina uu ku odhan doono labadda Gudoomiye Mucaaird. Waana markaati ma doon in ay siddii uu u hadlay ay u dhacday, oo uu askarigu ka baxay wacadkii uu la galay, Caalamka iyo bulshadda reer somaliland, gudiddii dhex-dhexaadinta intaba.

 

Waxan la yidhi  " Duqsi caano ku dabaal bartay, fuud kulul buu ku gubtaaye" Waxan ku soo xadeeyey qoraalkan. "Maafi dukhaan Bi-duuni Naar" Waa Ereyaddii Boqor Faysal ( Ilaah Ha Daayee), oo micna-heedu yahay " Haddii la arko qiiq, dab abuurey baa jira" Waxan leeyahay Afku kuma go'o Boqor, deris wanaagsan baad u dhigtay, oo lama ilaawaan ah. Mudo badan baa muran iyo huuhaa uu isku qarinaayey munaafaqa "Kud-Madawi" Hadana uu afka boodhka soo marsanaayey. way arkaysay ummadu, waana ay sheegayeen mar walba xumaan-tiisa iyo in uu bello wade yahay, laakin waxa dambaba-saayey kol kaste mamaulka askriga, Waxa kaloo uu si waadix ah uu banaanka u soo dhigay Boqor Faysal. in uu "Kud-madawi" ka mid yahay Maamulka ku jira Guriggii Moorgan, oo uu isagu u go'aamiyo, kolba waxay doona-yaan in ay askartu fuliyaan.

 

Ugu dambayn iyo hadal iyo dhamaantii, la hubsay oo goryo haad noqotay, Waxa u bahoobay "Masiirkii ummadd", dad aan cidi dooran, Waxay yihiina aanay jirin, maamul garanayn, nacayb beelaysan ku shaqaynaaya, oo ah tuug u soo shaqo tegtay hantidda ummadda, kagana faa'iidaysta kala qaybin-toodda, waa qaar wadda cuqda-daysan, oo ay colaad beello gaar ahi madax martay, wax qarsoona maaha ee waa ciil qabayaal aan Alle iyo Nebi mid-na aan aqoon. Waxan ku soo af-jaray maqaalkan oo aan ugu ducaynayaa, Boqor Faysal oo Runta u sheegay Dira-diraalihii Kud=Maadw iyo kudladda Xaafad-tooyadda.

 

* N.B Maafi Dukhaan Bi-Duuni Naar!

Qore:- Abdi-Shotaly


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...