Maamulka Puntland Oo Ku Dhawaaqday Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka

0
Sunday January 19, 2020 - 15:18:32 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1094
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Puntland Oo Ku Dhawaaqday Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka

    Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Karaash ayaa bogaadiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Karaash ayaa bogaadiyey

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qayb galay xafladda Daah-furka guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland.

 

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa waxaa ku wehelinaayey xafladdaasi masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland, Dhakhaatiir, aqoonyahano iyo masuuliyiin kale.

Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland waa Guddi dowli ah oo ka shaqayndoona Hubinta, Ruqsad-siinta, Diwaangelinta, Kormeer, Dhawrista iyo ilaalinta xirfadda Caafimaadka Dhulka Puntland, waxaana uu Gudigu hoostegeyaa Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

 

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Karaash ayaa bogaadiyey oo dhiirigeliyey cid kasta oo kasoo shaqaysay Agaasinka xafladda iyo dhismaha Golaha Caafimaadka oo uu xusay in uu yahay Golle muhiim ah oo wax badan ka saacididoona.

 

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xaqiijiyey in Dowladdu garab muuqda siindoonto, lana shaqayndoonto Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland, si ay ugu fududaato shaqada muhiim ka ah ee ay u idman yihiin.


Loading...
Loading...