Timirta, Malabka Iyo Muuska Ayaa Aad Kaga Maarmi Kartaa Macaansiga Sonkorta

0
Sunday January 19, 2020 - 09:15:00 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 3227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Timirta, Malabka Iyo Muuska Ayaa Aad Kaga Maarmi Kartaa Macaansiga Sonkorta

    Sonkortu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka la aaminsan yahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sonkortu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka la aaminsan yahay
in ay caafimaadka u daran tahay. Miisaanka oo kordha iyo ilkaha oo ay suus ku disho ayaa ka mid ah dhibaatooyinka isticmaalkeedu qofka ku keeno. Laakiin khatartaas oo ay leedahay haddana dadka badankiisa waa ay ku adagtahay in ay iska daayaan. Marka laga tago dhadhankeeda aadka u fiican waxa ay khubaradu aaminsan yihiin in la qabsigeedu, gaar ahaan marka carruurnimo sonkor badan lagu cunaa uu la mid yahay la qabsiga balwadaha daroogada ah ee ay adagtahay in la iska daayaa.




Maadaama oo uu cilmiga caafimaadku aad uga digay khatarta sonkorta oo la ogyahay in aanay wax faytamiin ama nafaqo ah jidhka u lahayn. Qormadan oo ay shabakadda Aljazeera baahisay waxa aynu ku eegaynaa cuntooyin dhadhan ahaan qofka ka caawin kara in uu iska joojiyo isticmaalka sonkorta.


MUUSKA
Qof kasta oo doonaya in uu helo macaan aanay ku jirin maaddooyin kiimikaad ama sonkor waxaa ku filan in uu isticmaalo muus bisayl dhammaystay. Calaamadaha lagu garan karo muusku marka uu si fiican u bislaado waxaa ka mid ah in uu midabbo bunni madow xiga ah ku yeesho diirka sare. Waa dhab in muusku aanad ku dari karin shaaha ama bunka si uu kaalinta sonkorta u galo. Laakiin cuntooyin badan oo lagu dari karo waxaa ka mid ah samaynta keegga iyo buskudka.


MALABKA
Haddii aad macaan jeceshay isticmaal malabka. Dhadhan ahaan waa uu ku illowsiin karaan, faa’iidooyin aan la soo koobi karin oo caafimaadna waa uu leeyahay. Sida oo kale waxaa ku jira macdano, barootiinno iyo faytamiinno jidhka waxtar badan u leh. Faa’iidooyinkiisa kale waxaa ka mid ah in uu bakteeriyada dilo iyo in uu la dagaalamo nabarowga jidhka ku samaysma ee afka ingiriisiga ‘Inflammation’ ka lagu yidhaahdo.


TIMIRTA
Timirta waxaa ka mid tahay cuntooyinka macaanka leh ee sonkorta lagaga maarmi karo. Waxa ay hodan ku tahay faytamiinka B6, xadiidka iyo maaddooyin kale oo ka mid ah nafaqooyinka uu jidhku u baahan yahay.
Timirta siyaabo badan ayaa loo isticmaali karaa; waxaa ka mid ah in caanaha iyo cabbitaannada qaar lagu riido, waxa kale oo lagu isticmaali karaa samaynta keegagga iyo kimista macaan.


DIGNIIN
1. Heerkulka 40 digrii iyo ka badan ahi waxa uu burburiyaa curiyeyaasha nafaqo ee ku jira malabka, oo ah kuwa muhiimka u ah caafimaadka.


2. Malabku waxa uu kordhiyaa sonkorta dhiigga, waxa aanu keeni karaa suuska, sidaa awgeed waxaa fiican in aan xaddiga la isticmaalayo la isku badin, isticmaalkiisa kaddibna ilkaha la nadiifiyo.


3. Sonkortu waxa ay kordhisaa sonkorta, waxa aanay keentaa suus


4. Muusku waxa uu kordhin karaa sonkorta muuska, sidaa awgeed qofka xanuunka macaanka qabaa waa in aanu xaddi badan ka isticmaalin.

 

Marjaan Media

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...