Guddoomiye Baqdaaddi oo Safar ku joogga Addis Ababa Iyo Hawlo Basaasnimo oo uu bilaabay

0
Sunday January 19, 2020 - 00:17:33 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2659
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Baqdaaddi oo Safar ku joogga Addis Ababa Iyo Hawlo Basaasnimo oo uu bilaabay

    Guddoomiye Baqdaaddi oo Safar ku joogga Addis Ababa Iyo Hawlo Basaasnimo oo uu bilaabay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye Baqdaaddi oo Safar ku joogga Addis Ababa Iyo Hawlo Basaasnimo oo uu bilaabay
Hargeisa(HWN)Guddoomiyaha dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Baqdaaddi iyo Xubno sarraakiil ah oo uu hoggaaminaayo ayaa gaadhay magaaladda Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia.
Image result for guddoomiye baqdaaddi


Sidda ay ku waramayaan Ilo warreedyo la soo xidhiidhay Warbaahinta Hadhwanaagnews, waxa ay tibaaxayaan in safarka Cali Baqdaaddi iyo Saraakiisha la socotabba uu ujeedkooddu yahay u kuur-gelidda iyo Xogogaal u noqoshadda Shirar ka socday maalmihii la soo dhaafay oo ay lahaayeen Maamul gobolleedyadda Golis Stafe iyo Awdal Stafe, kuwaasoo toddobaadkii la soo dhaafay kulamo muhiim ah ku qaatay, isla markaanna laga soo saaray qoddobo waa wayn oo misiirka labaddaas gobol khuseeya.

Warku waxa uu intaas ku daray in Guddoomiye Baqdaaddi uu hoggaaminnaayay Saraakiil oo ka tirsan Sirdoonka Somaliland, kuwaasoo daba-socda Shir doceedyo iyo shirar guud oo lagaga arrinsannaayay xoojinta iyo middaynta labaddaas Maamul gobolleed iyo hirgelinta qorshayaashii dhiddibada loogu taagaayay Maamullada Golis State iyo Awdal Stafe.

Ergooyinkan ayaa wakhti xaadirkan ku sugan Magalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia, waxaannay ku joogaan kalsooni buuxda oo ay ku qabaan Naftoodda, masiirka ummaddeed ee gacanta ku hayaan iyo dawladda ay dhex joogaan-ba, isla markaanna aannay wax badan isaga tirrinayn Xukuumadda Kornaylka madaxa adag ee Muuse Biixi oo aan sidii hore tixgelin badan ku lahayn Xukuumada Faderalka Ethiopia ee uu hogaamiyo Dr Aby Ahmed oo hormood u ah Isbedelka Geeska Afrika oo la saadalinaayo inuu u gudbo Gobolada Waqooyi ee Somalia

Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiye Baqdaaddi oo hore loogu oggaa mudadii uu joogay Baanka dhexe ee Somaliland innuu ku kacay Musuqmaasuq iyo Xatooyo qaran oo baahsan, ayaa haddana waxa muuqata innuu bilaabay Shaqo hor leh oo Basaasnimo ah, taasoo uu hadda ku joogo magaalada Addis abab ee xarunta dalka Ethiopia.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...