Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Ka Hadlay Isbadal Ku Yimid Ganacsigii U Dhaxeeyey Somaliland Mudadii Uu Xilka Hayey

0
Saturday January 18, 2020 - 15:05:30 in News by
  • Visits: 3564
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Ka Hadlay Isbadal Ku Yimid Ganacsigii U Dhaxeeyey Somaliland Mudadii Uu Xilka Hayey

    Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Ka Hadlay Isbadal Ku Yimid Ganacsigii U Dhaxeeyey Somaliland Mudadii Uu Xilka Hayey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Ka Hadlay Isbadal Ku Yimid Ganacsigii U Dhaxeeyey Somaliland Mudadii Uu Xilka Hayey


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar ( Cagjar) ayaa shaagay in ganacsiga u dhaxeeya Somaliland iyo dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya uu aad sare ugu kacay isla markaasna ay rajaynayaan in ay kor u sii qaadaan.




Madaxweynaha Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar waxa uu sheegay inay soo dhawaynayaan Soomaalida ay kala dalka yihiin si ay labada dhinacba isaga faa’idaan, waxaanu si qoto dheer uga hadlay arimaha amaanka ee ay Somaliland wadaagaan.


Madaxweyen Mustafe Cagjar oo la hadlay tilifishanka Sahan waxa uu isaga oo ka hadlaayay xidhiidhka Somaliland iyo dawlad deegaanka uu yidhi " Xidhiidhka ka dhaxeeya dawlada deegaanka Somaliland ee dhanka amaanku aad ayuu u fiican yahay, waad ogtahay in dhawaan wafti balaadhan oo Somaliland ka socday ay halkan yimadeen oo taliyaha ciidamada qaranku uu hogaaminayay oo ilaa heer fadaraal ay ka wada hadleen sidii loo adkayn lahaa amaanka xuduuda, taasi waxay qayb ka tahay iskaashiga joogtada ah ee maalin walba na dhex mara anaga iyo Somaliland, waxii dhib ku hayana in aanay xagayaga dhibaato kaga iman waxii dhib anaga nagu hayana in aanay xagooda dhibaato nagaga iman, isfahan mar walba soo jiray ayuu ahaa kii ayaanu sii wadnay, is fahamka siyaasadeed ee guud marba inaan ka wadahadalnaa waa uu sii caawiyay arinta,dhinaca dhaqaalaha dawlada fadaraalka Itoobiya Koridhoorka Berbera qayb ayay ka tahay shirar joogto ahna waa ay dhacaan, ganacsigii labada shacab u dhaxeeyay inuu aad isku badalay waad la socotaa wax gaar ah oo cid u xidhan ma jiraan hada, markaas dadkii labada dhinac kuwa xagan ka tagaana way qanacsadaan kuwa xagan ka tagaana way qanacsadaan, maadaama oo xaalad uu ku socon karo ganacsigii loo abuuray si aad u balaadhan ayuu u socdaa, xoogaa jihayntiisa inay daldaloolo ay ka jiraan ayaa laga yaabaa sidii kastamo loo abuuri lahaa meelaha qaarkood oo dawladuu ay uga faa’idi lahaayeen laakiin shacabka ganacsigiisii aad ayuu sare ugu kacay iskaashigaasina waa mid aanu sii xoojinayno, kooridhoorka aad sheegtayna waa mid caawin doona isbadalka laga rabo gobalkan maadaama oo gaadiidka maraaya halkaas iyo xawligiisu uu aad u kordhi doono, waa mid isaguna la iman doona isdhexgal bulsho oo balaadhan iyo mid ganacsiba.”


Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa sheegay inay dadka Soomaalida ah ee ay kala dalka ay yihiin ay ku soo dhawaynayaan dhulkooda" Fikirka aad sheegtay ee ah in dadka Soomaaliyeed ay deegaankan ganacsi iyo nolol u soo raadsadaan anaguna aan ka helno maalgashi xadaarad iyo waxii la kala korordhsan karo waa fikir aan ka simanahay oo aan rabno inuu socdo, wax dib loo celin karana maaha, wax kaliygay iga yimina maaha waa wax ay hogaaminta deegaanka oo dhami ay aaminsan yihiin inta aan imika wada shaqayno, waxaanu rabnaa Jigjiga,Goday,Qabridahar,Fiiq iyo Doolow iyo dhulkan oo dhami inay noqdaan dhul nololi ka jirto oo magaalooyin waaweyn leh oo madaaro leh oo Soomaalidu isda ay caruruta Nayroobi u gaysanayaan ay u gaystaan, anagana faa’ido noo ah Soomaalida kale ee walaalaha aan nahay ee wadan kale ka imanaysa ee siyaasiyan aanaan isku dalka ahayna faa’ido u ah, waxuunbaa noo soo kordhaaya anaga waxba naga dhici maayaan.”

Loading...
Loading...