Guddoomiyaha UCID oo aan Salaanta ka qaadin masuulka ugu musuqa badan Somaliland

0
Saturday January 18, 2020 - 10:23:05 in News by Abdikadir Guled
  • Visits: 5098
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha UCID oo aan Salaanta ka qaadin masuulka ugu musuqa badan Somaliland

    Guddoomiyaha UCID oo diiday in uu bariidiyo Khaain Dhukur iyo sababta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha UCID oo diiday in uu bariidiyo Khaain Dhukur iyo sababta
Hargeysa (HWN) Sida ilo wareedyo isha saaray ay noo sheegeen, Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa in mudo ahba aan saalanta ka qaadin Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cali Baqdaadi oo haatan Hageisa looga yaqaan Khaain Dhukur.
Guddoomiyaha UCID ayaa taageereyaasha xisbigu aaney hore uGu arag isaga oo si gaar ah salaanta ula dhaafaa masuuliyiinta dalka, waxa arinkani uu keenay in reer hargeysa oo idili ay ku maadeystaan.
Masuuliyiinta arinka la socda ayaa tiroba dhawr jeer weydiidy sababta uu guddoomiyuhu salaanta ula dhaafayO Khaain Dhukur, waxaanu sheegay in Cali Baqdaadi yahay masuulka uGu liita xukuumada Kulmiye, isla markaana ah ruux aan shakhsiyad habooneyn oo sumcad xumo dalka u soo hooyay.
Khaain Dhukur oo hore uGu can baxay musuqa iyo fawaaxishta ayaa haatan u xuubsiibta isku dirka beelaha iyo xukuumada Col. Bixi.
Waxaana haatan bulshada u soo baxday in Khaain Dhukur yahay ruuxa talooyinka guran siiya Col Bixi iyo xukuumadiisaba, isaga oo geesta kalena mucaaridka u sii sheega tilaabooyinka Col Bixi damacsan yahay in uu qaado.
Guddoomiyaha xisbiga UCID oo ah shakhsi aan la gaban afkaartiisa ayaa goobaha siyaasiyiintu isku arkaan uga sheekeeya dhaqan xumida Khaain Dhukur iyo sida aanu uGu qalmin dhexjooga bulshada.
Hadhwanaag News
Hargeysa

Loading...
Loading...