Boodh Ninka Isku Qariyoow, Banaankaad U Soo Bixi, Beeneey Runtii Timid.
SALAAN KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA,
BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.
BOODH LAYSKU QARIYIYO,BUUFISKII DHAMAAYO,
NINBA BAWDADIISOO,ISU BADHEEDHAY HAATANE,
INA BARAY ADUUNKUYO,LAMA BADAW SANAAYEE,
BOOGTII OGGAADOO,SHACABKUNA BARAARUGGE,
BOQOR LAGA BAQAAYOON,BEYDKIIS LA JEBINIYO,
BEELAAN LAGU DHACAYN,BAARQABA KU QOOQEE,
BAALOXOOFTO IYO MURAN,UMA BAAHNIN MAANTE,
BAALAHII TASHADE OO,BERI HORAY BAQOOLEENE,
BEESHIDHEXE LA BARAYO,BEENEEY RUNBA TIMID,
BILAASH XAYTAYAASHII,LOO BANEE GAROONKOO,
BISMILAYSAN MAAYAAN,WUXU BOQORKU SIIYEE,
MUDO MARKAY BADBAADAN,BUUNBA LOO GARACA,
BARWAQIYO ABAAR,BAKAYLE QALAD MIDUUN EEG,
BELO WAAN LA NICEBBE,DUUL U BAAQAYAA JIRA.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!