Markron Oo Dalbaday In La Sameeyo Ciidan Yurub Ugaarah, 7aad

0
Wednesday January 15, 2020 - 08:36:43 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1319
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markron Oo Dalbaday In La Sameeyo Ciidan Yurub Ugaarah, 7aad

    15/1/20 Ifaafalahii Dagaalkii Sadexaad Ee Aduunka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

15/1/20 Ifaafalahii Dagaalkii Sadexaad Ee Aduunka

Waxay sababtay ka bixidii marykanka ee  heshiisyadii is raacracsanaa  ee  caalamiga ahaa in ay ku kiciso cadho qaarada Yurub ,kadib markii uu Trump bilaabay in uu ka baxo  heshiiskii cimlilad aduunka ee Baris, ee hadan uu raaciyeey heshiiskii nukliyeerka ee dowladah yurub ay lagaleen Iraan  ee uu saxeexay  madaxwynahii marykanka ee hore OBama ee sandkii 2015kii ,ka bixida  heshiiskaas oo  sababtay  khasaare maaliyadeed oo dowladah yurub ka soo gaadhay suuqayada dalka Iraan, ,



Tiiyoo taasi jirto, ayaa hadan marykanku ka baxay heshiiskii nukliyerka caalamka isgoo abuuray tartan u dhaxeeya Ruushka iyo Maraykanka, ,taas oo ay yurub u baqaday nabad galyadeedii sugnaashaheeda, isna Ruushkuna uu ku hanjabay in uu fidin doono sawaariikhda nukliyeerkaa, sidaas darteed, madxwaynha Faransiisku Makaron waxa  uu soo jeediyey in la dhiso ciidan u gaar ah Yurub, si ay ugu diyaar garoobaan oo ay uwajahaan Ruushka iyo Shinaha, iyo Marykankaba , iyo in ay iska iloobaan ku tiirsanaanta ay ku tiirsan yahiin ciidamada Marykanka ,iyo in ay  ka hortagaan  isku dayga Shiinha ee dowladah yurub sida Talyaaniga  ee dhinaca Baayacmushtariga iyo dhaqaalaha iyo maletrigaa ee aadka uwayn,  ee ku  lugta leeyahay shiinahu ee kuwa jahan  damaanada dariiqa xariiri. Taas  oo sababtay mowjado siyaasadeed iyadoo kale aan la arag ee labada dhinac ee bada Atalaantikada,


Ruushka iyo Shiinha oo ku duulya karebiyanka

Markii ay Yukrayayn iyo Joorjiya ku biireen xulafada Nato, ugu danabayntii ,taasi waxay keentay kicisayna khilaaf u dhexeeya marykanka iyo ruushka , dalalkaas oo ku dhegan  dhegan xududuka Ruushka ,maxaa yeelay Yukrayn waxa dhacdaa amaba ka fogtay Mosko 500km ,taas oo uu ruushku uu arkay in laga soo weerari karo xaga danbe,  intaas kadib waxa  uu curiyeey qaaciido hawadaa oo ku taala Kiriibiyanka oo ay leedahy Fansuweela sandkii DEC.2018kii.mudo kabadan afartan sano kadib markii Ruushu kala baxay jaziirada Kuuba sawaariikhdiisii. Nukliyerka


tiiyoo taasi jirtana ayaa marykanku waxa uu qaaatay mowqif adag oo ku mucaarad ah dowlada Fansuweela ee uu madaxa ka yahay ninka dhinac bidixda u janjeedha ee Maduuro, waxaanu taageero hiil iyo hooba uu siiyey mucaaridka si ay u qabsadaan xukunka, waxayna marykanku ictiraafay mucaaridka( khawaan jaduu) sidii uu yahay madxwayne runtaa ee dalkaas , sidaas darteed waxa uu diiday in aga dhiso qawaacid Ruushku leeyahy oo la keeno diyarado ruushku leeyahay si kumeel gaadh ah, sido kale maamulka marykanku waxa uu isku dayey in uu taageero inqilaab meletry in lagu sameeyo Fansuweela,in qilaabadaasi  wayna  fashilmeen ,sidaas darteed wax uu xayiray 70million oo doller oo ay leedahy Fansuweela,


dhanka kale marka aynu ka eegno, waxay kordhiyeen Shiinha iyo Ruushku inay u diraan qaybo ciidan ah iyo aalado ka gudbay iyo shixnado diyaarado ilaa Fansuweela, oo ay miisaamaan in ay gadhaan maraakiib ciidan Iraan leedah halkaas , taas oo kulan satay inay burburrin karaan maraakiibta dagaalka marykanka  ee qaadada kantaalaha batariyoodka  iyo in doonyo lagu xoojinya dekadaha Fansuweela, taas oo muujisay  mowqifka Ruushak iyo Shiinha iyo IIraanin uu   culus yahay, ,


 Ruushka  oo hanjabaad ka bixiyey dhoolotusyada waawayn

Dhanka kale marka aynu ka eegno ,mar walaba waxaa sii siyaadayey mowjadaha dhoolutustadaa kuwaas ay samaynayaan Nato kuna samaynayaan duleedka Ruushka,sida dalalka Booland ,Romaaniya , iyo dowladha dhaca bada Baldiiqa iyo bada madow, taas oo marykankuna uu hashiis la galay dowladah dhaca bada madow  si  qayb qaataan dhoolotusyada maletrigaa 


dhamaan dowlada kuyaala badaas , sandkii 2019kii,waxaa kale oo  ay  la bilaabeen Nato dhoolo tus malitry oo aad  u waawayn kana dhacayey gudaha bada Baldiiqa, taa oo si aad ugu dhow doonyaha bada ee Ruushka, sidoo kale waxy ku kaceen diyaaradah Ruushku dhoolotusyo si ay u burburiyaan doomaha Nato ee jooga bada Baldiiqa, wayna kala badheen Ruushka iyo Maykanku hawada, dalalkas ,

by ; khaddar adam aw muuse

[email protected]

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...