Inkastuu Durdur Iyo Dabaal Galo Doofaar Abidkii Ma Daahiro

0
Wednesday January 15, 2020 - 08:30:18 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2814
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Inkastuu Durdur Iyo Dabaal Galo Doofaar Abidkii Ma Daahiro

    Assalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarkaatuh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Assalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarkaatuh.

Akhyaarta Sharafta Leh Waad Salaamatihiin Dhamaantiin.

 

Waxaan Cidna Ka Qarsoonayn Halka Xaal Marayo Iyo Sida Uu Dalkeenii Somaliland Yahay Odaygii Aynu Talada Dalka U Cumaamadnay Waa Kaa Taladii Dalka Uubta Kala Dhacay. Waxa La Yidhi Nin Baa Isagoo Walaalkii Uga Waramaya Awoogood Oo Nin Baas Ahaa Ayuu Yidhi Waar Walaal Maxaad Awoowgeen Ku Ogayd Markaasuu Yidhi Indho La,Aan, Markaasuu Ku Yidhi Hadaba Indho La,Aantii Dad Cunimo Ayuu Awowgeen Ku Darsaday. Hadaba Waxa Taa Ka Dhigan Odaygii Aynu Talada U Dhiibnay Ee Aynu Farteena Ku Dooranay Iyadaynu Eednaye Waynu Ku Ogayn Macangagnimada,Muranka,Tolayeyda, Magaanimada Iyo Marjanimada ,Laakiin Waxa Uu Ku Darsaday Balan Daro Tiiyoo La Yidhi Balan Daro Waa Diin Daro .Waxba Yaanan Hadalka Idinku Daaline Odaygaa Arinkiisu Waa Bidow Camalkaa Ku Sheeg Waxan Aan Shacabka U Soo Jeedinayaa Odaygaasi Waa Baxayaaye Yaanu Wadanka Galaafan Oo Aanu Iska Hor Keenin Shacabka Walaalaha Ah Ee Isku Danta Iyo Dunta Ah.Isagu Waa Qawsaar La Soo Ceeshay Kalidii Taliyihii Ina Siyaad Bare Waana Ardaydiisii Markaa Waxa Kaliya Ee Uu Yaqaanaa Waa Xidha Iyo Xabadeeya Iyo Kala Qaybi Oo Xukun. Waxaan Hadalkii Ku Soo Gunaanaday Shacabku Haka Foojignaado Hagardaamada Uu Wado Qawsaar Muuse.

 

Wabilaahi Tawfiiq

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...