Muuse Biixi Oo Iibiyey Dhul Wajaale Ku Yaala, Agaasime La Raadinayo Iyo Mawqifka Wasiir Qambi

0
Tuesday January 14, 2020 - 23:44:29 in News by
  • Visits: 3426
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Iibiyey Dhul Wajaale Ku Yaala, Agaasime La Raadinayo Iyo Mawqifka Wasiir Qambi

    Muuse Biixi Oo Iibiyey Dhul Wajaale Ku Yaala, Agaasime La Raadinayo Iyo Mawqifka Wasiir Qambi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Iibiyey Dhul Wajaale Ku Yaala, Agaasime La Raadinayo Iyo Mawqifka Wasiir Qambi

Hargeysa(HWN):-Dawlada Muuse Biixi ayaa si toos ah u xaraashtay dhul la baneeyey oo ku yaala faras magaalaha Wajaale.


Wasiirka hawlaha guud dhulka iyo guryeynta Cabdirashiid Qambi ayaa wakhtigii qorshaynta loo samaynayey magaalo ganacsiyeedka Wajaale waxa uu amar ku bixiyey in dhul ku yaala wajahada hore ee Toga Wajaale la baneeyo si aan wakhtiyada roobka daadku khasaare u soo gaadhsiin meheradaha iyo dadka ku ganacsanaya.

Natiijada sawirka wasiir qambi iyo muuse biixi


Sida ay sheegeen waraar rasmi ah oo Hadhwanaagnews soo gaadhay, dhulkan oo la baneeyey wakhtigii qorshaynta loo sameeyey magaalada Wajaale isla markaana ay wasaarada hawlaha guud kaga baxday lacag xad dhaaf ahi waxa si toos ah u iibiyey oo lacag kaash ah ka qaatay masuuliyiin ka tirsan dawlada oo gacansaar la leh hogaamiye Muuse Biixi.


Sida ay wararku sheegayaan dhulkan oo qaadaya meherado gaadhaya 15 ayaa markii hore uu wasiirka hawlaha guud ka bixiyey lacag gaadhaysaa laba boqol oo kun oodoolar($200,000) taas oo loo qaybiyey dadkii lagu amray inay ka guuraan.


Agaasimaha waaxda dhulka ee wasaarada hawlaha guud Maxamuud Maal Cali oo garab ka haysta kornayl Muuse Biixi oo ay isku deegaan yihiin isla markaana garab ka helaya badhasaabka Gabiley Maxamed Cismaan Xaaji Axmed iyo gudoomiyaha magaalada Wajaale Xaashi Maxamed Muuse ayaa dib u iibiyey dhulkan isaga oo ka qaatay lacag gaadhaysa boqol kun oo doolar($100,000) isla markaana dib u dajiyey dadka uu ka iibiyey.


Sidoo kale wararka Hadhwanagnews soo gaadhayaayaa sheegaya in agaasimaha waaxda dhulka ee wasaarada hawlaha guud Maxamuud Maal Cali uu dhamaystiray sharciyada dhulka uu iibiyey isla markaana uu badhasaabka Gabiley iyo gudoomiyaha Wajaale qayb ahaan siiyey lacagta ka dib markii ay la fudaydiyeen.


Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in wasiirka hawlaha guud dhulka iyo guryeynta Cabdirashiid Qambi uu haatan raacdo ugu jiro agaasimihiisii waaxda dhulka ka dib markii uu ku soo war geliyey kornayl Muuse Biixi oo wax ka ogaa qorshaha lagu iibiyey dhulka maadaama oo uu xidhiidh dhaw la leeyahay agaasimaha dhulka ee wasaaraada hawlaha guud.


Hogaamiye Muuse Biixi ayaa arintan ogaysiiyey wasiirkiisa hawlaha guud ka dib markii uu fariin ugu dhiibay xoghayntiisa gaarka ah Mubaarig Ismaaciil Taani.


Wararku waxay sheegayaan in wasiirka hawlaha guud uu ilaa hada raacdo ugu jiro agaasimihiisii waaxda dhulka iyada oo aan ilaa hada la ogayn meel uu jaan iyo cidhib dhigay ka dib markii uu iibiyey dhulkaas oo madaxtooyadu xogtiisa haysay balse hada u muuqata in lagu rogay qorshihii uu fuliyaha ka ahaa.


Ilaa hada wararku may sheegin mawqifka ay kala taagan yihiin wasiir Qambi iyo Hogaamiye Muuse Biixi balse waxa lagu hawlan yahay sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa agaasimaha dhulka xaraashay.


Wixii Warar Ah Ee Ka Soo Kordha Kala Soco Hadhwanaagnews.com


Loading...
Loading...