Muxuu Daarnaa Kulan Gaar Ah Oo Dhexmaray Madaxweyne Farmaajo Iyo Suldaanka Cusub Ee Cumaan?

0
Tuesday January 14, 2020 - 23:41:38 in News by
  • Visits: 1869
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Daarnaa Kulan Gaar Ah Oo Dhexmaray Madaxweyne Farmaajo Iyo Suldaanka Cusub Ee Cumaan?

    Muxuu Daarnaa Kulan Gaar Ah Oo Dhexmaray Madaxweyne Farmaajo Iyo Suldaanka Cusub Ee Cumaan?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muxuu Daarnaa Kulan Gaar Ah Oo Dhexmaray Madaxweyne Farmaajo Iyo Suldaanka Cusub Ee Cumaan?


Muqdisho (HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka soo laabtay dalka Cumaan oo uu kaga qeyb galay tacsida Suldaan Qaabuus Binu Siciid.

Image may contain: 5 people, people standing and indoor

Image may contain: 3 people, people standing, hat and indoor

Madaxweynaha oo Suldaanka cusub ee Cumaan Haysam Bin Daariq kula kulmay Qasriga Saldanada dalkaas ayaa la wadaagay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay la qaybsanayaan murugada geerida Suldaan Qaabuus oo kaalin ka qaatay gurmadka shacabkeenna wakhtiyadii adkaa.


Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyey Suldaanka cusub ee dalkaas Suldaan Haysam Binu Daariq in uu sii amba-qaado dhaxalkii horumarineed ee uu ka tagay Suldaanka geeriyooday, isagoona sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya walaalahooda dalka Cumaan.

Image may contain: 10 people, people sitting and indoor
Image may contain: 3 people, indoor

Dhankiisa, Suldaan Haysam Bin Daariq ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ka soo qayb-galka tacsidan iyo in maalmahan murugada leh ay garab istaageen shacabka iyo dowladda Cumaan.


DHAMMAAD

Loading...
Loading...