War Deg Deg Ah:-Taliska Muuse Biixi Oo Cadeeyey Mawqifkii Ay Qarsanayeen Ee Komishanka Riyo Raac Ay Ka Taagan Yihiin

0
Tuesday January 14, 2020 - 20:06:25 in News by
  • Visits: 4373
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Taliska Muuse Biixi Oo Cadeeyey Mawqifkii Ay Qarsanayeen Ee Komishanka Riyo Raac Ay Ka Taagan Yihiin

    War Deg Deg Ah:-Taliska Muuse Biixi Oo Cadeeyey Mawqifkii Ay Qarsanayeen Ee Komishanka Riyo Raac Ay Ka Taagan Yihiin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Taliska Muuse Biixi Oo Cadeeyey Mawqifkii Ay Qarsanayeen Ee Komishanka Riyo Raac Ay Ka Taagan Yihiin


Hargeysa(HWN):-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay in aanu jirin dastuuriyan sharci sheegaya in la kala diro Komishanka cusub ee aan weli hawlgelin, waxaanay xisbiyada mucaaridka ah ku boorisay inay ixtiraamaan shuruucda waddanka u yaalla.




Sidaasna waxa lagu sheegay war-murtiyeed ku qornaa luuqada Ingiriisida i oo Xukuumaddu mawqifkeeda ku caddeysay kaas oo uu mar dhawayd  soo saaray Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta  Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ahna Afhayeenka Xukuumadda JSL.


Warmurtiyeedkaas dawlada Muuse Biixi ku cadaysay mawqifkeeda ayaa u dhignaa sidan:-


"17kii Bishii December 2019kii, Saddexda xisbi Qaran ee Somaliland KULMIYE, UCID iyo WADDANI waxa ay aqbaleen soo-jeedintii Guddidii isxilqaantay oo soo jeedisay in la kala diro Komishanka dhawaan la magacaabay ee doorashooyinka, isla markaana lagu beddelo Komishankii hore oo wakhtigoodii dhammaaday bishii November 2019kii.


Wadatashigani wuxuu ka dhashay isku tanaasul lagu gaadhay in lagaga baxo ismariwaaga ay abuureen xisbiyada mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID, oo diiday inay la shaqeeyaan Komishanka cusub ee Golaha Wakiilladu ansixiyeen 12kii Bishii November 2019,isla markaana Guddoomiyaha Maxkamadda sare dhaariyey 25kii November 2019kii.


Kadib, lafagur iyo wadatashiyo lala yeeshay la-taliyeyaal sharci, Xukuumadda Somaliland waxa gabogabadii u soo baxay, in aanu jirin dastuuriyan sharci qeexaya in la kala diro Komishanka cusub ee aan wali hawlgelin oo aanay fulin karin madaxweyne ama Baarlamaanku midna, sida kaliya ee lagu beddeli karayaana ay tahay saddexda qoddob ee kala ah:


1)- Inay ku kacaan gef iyo khaladaad.

2)- In muddo xileedkoodu dhaco ama dhammaado.

3)- Inay is wada casilaan xubnaha Komishanku.


Sidaas darteed, soojeedin kasta oo lagu kala dirayo Komishanka oo ku wajahan siyaasad, sida xisbiyada mucaaridku ku doodeen kuma qeexna sharciga. Sidaas awgeed, ma jirto Hay’ad sharci oo fulin karta qaraar noocan oo kale ah. Heshiiska la gaadhayaanna waa inuu ku salleysnaadaa xuduud sharci.


Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay xisbiyada siyaasadda la yeelatay wadatashiyo 13kii Jenawari ee 2020ka, waxaana lagu soo jeediyey inay daneeyayaasha doorashooyinka oo dhammi ay ku qanciyaan Komishanka inay iskood iskaga casilaan xilalka; waxana go’aankaas ka soo horjeedsaday xisbiyada mucaaridka ah, kuwaasi oo diiday dhammaan fursadihii iyo kulamadii lagu wadatashan lahaa, iyadoo ay soo socotay laba sannadood oo muran ka dhan ah isku xukunka sharciga iyo in la hirgeliyo nidaamka dimuqraadiyada dalka ee ismari-waagu ka jiray.


Xukuumaddu waxa ay ugu baaqaysaa Xisbiyada mucaaridka iyo daneeyayaasha kale inay ixtiraamaan Hay’adaha iyo shuruucda u yaalla dalka oo ay la shaqeeyaan Hay’adaha sharciga ku dhisan ee doorashooyinka, si loogu gogol xaadho sidii loo qaban lahaa doorashooyinka muddada dheer baaqday ee Baarlamaanka iyo Goleyaasha Deegaanka ka hor dhammaadka sannadkan 2020ka.


Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa si buuxda uga go’an inay ilaaliso nidaamka dimuqraadiyada dalka, si muwaadiniinta dalka loogu xaqiijiyo inay dabaqaan xaqa ay u leeyihiin inay doortaan Wakiilladooda, Dawladda heer qaran iyo Goleyaasha Deegaankaba.”


Hadhwanaagnews.com
Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...