Guddoomiyeyaasha Haayadaha Shaqaalaha iyo Qaxoontiga Oo Ku Gacan-saydhay Bedddelka Agaasimeyaasha Maamulka iyo Lacagta

0
Tuesday January 14, 2020 - 13:07:14 in News by
  • Visits: 2755
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyeyaasha Haayadaha Shaqaalaha iyo Qaxoontiga Oo Ku Gacan-saydhay Bedddelka Agaasimeyaasha Maamulka iyo Lacagta

    Guddoomiyeyaasha Haayadaha Shaqaalaha iyo Qaxoontiga Oo Ku Gacan-saydhay Bedddelka Agaasimeyaasha Maamulka iyo Lacagta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyeyaasha Haayadaha Shaqaalaha iyo Qaxoontiga Oo Ku Gacan-saydhay Bedddelka Agaasimeyaasha Maamulka iyo Lacagta


Hargeysa(HWN):-Guddoomiyaha Haayadda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Md Farxaan Aadan Haybe ayaa bilaabay isku shaandhayn uu ku sameeyo Agaasimeyaasha maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradaha iyo Haayadaha Dawliga ah sannadkii 2019ka, waxaanu qorshuhu u ahaa in aanu agaasime qudhi joogin xaruntiisa 2020ka. Waxa la isku beddelay dhammaan intii bartooda/shaqadaas haysay in ka badan 30 sanno, marka laga reebo laba xafiis, kuwaas oo kala Agaasimeyaasha maamulka iyo maaliyadda ee Haayadda Shaqaalaha Dawladda Somaliland iyo Haayadda Qaxoontiga iyo Bare-kacayaasha Qaranka.

Natiijada sawirka farxaan aadan haybe


Agaasimeha maamulka iyo maaliyadda ee Haayadda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Amaal Cabdiraxmaan Axmed waxa ay xilkaas haysaa illaa labaataneeyo gu’, illaa shan guddoomiye ayaa xilka ka degay intii ay xafiiskan joogtay, sidoo kale la’aanteed far lama qaado. Xilal badan ayay si dadban u haysaa. Isbeddelkaasi waxa uu micne yeelan lahaa haddii laga bilaabo xafiiska haayadda shaqaalaha dawladda Somaliland. Qofku haddii uu kursi ku fadhiyo labaataan sanno iyo dheeraad, saw moodi maayo in uu leeyahay?. Is-fahan dhexmara agaasinka lacagta iyo masuulka u sarreeya xarunta dawliga ah ayaa sababa musuqmaasuq Waana sababta aan hawl-wadeennadaas loo taaban inta badan.


Nin boqor ahaa ayaa beri maamuli jiray xoolo-dhaqato iyo beeralay Wuxuu yidhi "Qfka ay xoolihiisu u daataan beer qof leeyahay waxa lagu ganaaxayaa in uu hadhuudh ka buuxiy ama ku qariyo joogga waran kor loo taagay”. Ciqaab adag bay ahayd, qof kastaana wuu ilaashaday xoolihiisii. Maalintii dambe ayay xoolihii boqorku u daateen beer, oo dalag ka cuneen. Inta uu warankii jiifiyay ayuu hadhuudh ka buuxiyay, waayo marka la jiifiyo hadhuudh yar ayaa buuxinaya/qarinaya.


 

Dadkii ayaa yidhi "Waa sidee mudane?”. Waxa uu yidhi "La jiifiyaana bannaan, la joojiyaana bannaan”. Waa astaan muujinaysa in aanu sharcigu qabannin masuulka xilka haya. Imaka xaalka Guddoomiyaha Haayadda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Ma la jiifiyaana bannaan, la joojiyaana bannaan baa?


Guddoomiyaha Haayadda Qaxoontiga iyo Bare-kacayaasha Qaranka Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinnif) ayaa ka dhaartay in la beddelo agaasimihiisa maamulka iyo maaliyadda oo xilkaas haysay tan iyo intii ay jirtay wasaaraddii dib-u-dejintu. 2012kii ayuu Xinnif si cad u jebiyay xeerka doorashada, wuxuu shaqaalaha ka ahaa Guddida Aydhiska Qaranka SOLNEC.


Waxa ka hadlay Professor Axmed Maxamed Cadaad Guddoomiyaha Guddida Anshaxa ee Guddidii Doorashada, oo yidhi "Madaxweyne, wiilkaasi wuxuu adeegsanayaa shaadhkaagii ee wax ka qabo”. Laakiin waxba lagama qaban, waxa la yidhi "Carruurta ha korsado” sidii ayuu sharci-jebinta u sii watay. Imakana ma shaadhkii Madaxweyne Muuse Biixi ayuu xidhan yahay Guddoomiye Cabdikariin Xinnif?


 

Hadhwanaagnews Office

Loading...
Loading...