Xildhibaan Aqalka Sare Muuse Suudi "Aniga Farmaajo qabiil ahaan uma necbi, laakiin…"

0
Tuesday January 14, 2020 - 12:55:00 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1969
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Aqalka Sare Muuse Suudi "Aniga Farmaajo qabiil ahaan uma necbi, laakiin…"

    Muuse Suudi ayaa sidoo kale ka hadlay waxa dhex maray isaga Ra'iisal wasaaraha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Suudi ayaa sidoo kale ka hadlay waxa dhex maray isaga Ra'iisal wasaaraha

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in uusan qabiil ahaan u necbeyn Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, balse uu shaqadiisa iyo qaabka uu howsha u wado u nacay.

"Aniga Madaxweynaha qabiil ahaan uma necbi, laakiin shaqo ahaan ayaan u necbahay… maalintii uu yimid Madaxtooyada oo xilka lagu wareejinaayey, ciidan ayaa u safnaa oo salaan uu ka qaatay, roog cas ayaa loo dhigay, isagoo xilka lagu wareejinayey ayuu yiri: Dowladii Kacaanka iyo Aniga dowlad nooma dhaxeyn, kalmadaas uu yiri ayaan uga quustay” ayuu yiri Muuse Suudi Yalaxow oo hore uga mid ahaa wasiiradii dowladii C/llaahi Yuusuf iyo hoggaamiye kooxeedyadii Magaalada Muqdisho.

 

Muuse Suudi ayaa sidoo kale ka hadlay waxa dhex maray isaga Ra’iisal wasaaraha markii xilka loo magacaabay oo uu meermeeriyey, sidaasina uu uga haray madaxda sare ee dowladda hadda jirta.


Loading...
Loading...