Buurmadaw Ayaa Wasiirka Warfaafinta ah Mar Hadii uu Hore Inooku Sheegay in Qodobkiisu yahey Laakiin Ergadii Madaxweynaha Agtiisa Ka Mudneyn
Waxaynu Wada ogayn in muddo laba Sanadood iyo dheeraadka
uu talada
somaliland hayay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Waxaa soo noqnoqdey
Muranka Arimaha Doorashooyinka oo Shacabka iyo hogaamiyayaasha
Xisbiyada, Waxgaradka, Duqeytida iyo inta ugu badan ee Reer Somalilandba
ay wali rajo ka qabeen in uu soo afjari doono khilaafka iyo murruga ka
taagan haseyeeshee, aan anigu Waa hore ka quusgooyay in uu meel marinayo
in uu soo gabagabeeyo Doorsahada iyo Dimiqraadiyada Somaliland isagoo
fulinaya Fariimaha dalalka dariska qaarkood.
Haddaba marka si qoto dheer loo dhugto Dhaqdhaqaaqyadii u Dambeeyay iyo
ergaddii ay ka galeen Odoyaashii, Culumadii, Ganacsatadii iyo intii ka
hawlgashey dhexdhexaadintasi ayaa lawada ogaa oo la isla wada Waafaqey,
in Komishanka Xiligan ee Muranku ka taagan yahey lagu baddelo
Komishankii hore taas oo ay Aqbaleen Gudoomiyayaasha labada Xisbi
islamarkaana, aanu habayaraatee Waxba ku diidin ee uu Dhinaciisa isaguna
Aqbaley Madaxweynuhu laakiin Arintaa Waxa Maalmo kadib ka hadley, Ninka
layidhaa Boqor Buurmadaw qadiyadaasi isagoo u hadlaya si aan umadda
Reer Somaliland midnimadeeda iyo anshaxa Dal iyo Dad ahaanba ka baxsan u
hadlaya oo dibada ka ah Milgaha iyo dhaqanka marka gees laga eegana u
Muuqda in uu yahey, ninkii talada Dalka qeybta Weyn ee Munaasibka ah ka
ahaa oo hadana u Muuqda Wasiirkii Warfaafinta Xukuumadan marka loo eego
halka ay Maanta taagan Tahey iyo Sida uu hadalkiisu ugu Mug Weynaadey
kii ergadda iyo Umadda Somaliland wada qaadatey.
Sikastaba ha ahaatee Soomaalidu Waxey ku Maahmaadaa Booraan Hadimo ha
qodin hadaad qodana ha Weyneyn ku Dhici Doontaana mooyee, la iskuma hayo
in Ilameeraysadani maalin Maalmaha kamid ah ay Dambarsan Doonto
Madaxweyne Biixi marka uu Toban Ergo iyo Umadda Somaliland diido isaga
iyo inta kula Socota arintaasi Marka Shacbiweynaha iyo Waxagaradka
Somaliland kasoo horjeestaan Talooyinkiisa Qaloocan.
Gabagabadii Madaxweynaha agtiisa Ergadii kama ay mudneyn Boqor
Buurmadawna Waa Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadane bal hadalkiisa Dambe
aynu ogaano.
Najiib Ismaaciil Maxamed
Somaliland Gabiley
Tell:0634466339
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...