Maxamoud Xaashi Oo Rubuc Kulmiye Ahi Xaflad Kasta Kusoo Dhoweynayaanayaa Europe Ka Dhacday.
Maxamoud Xaashi waa nin Somalilander ah oo hankiisa Gudoomiyaha
Kulmiye xaq u leh inuu Madaxweyne isu sharaxona xaq u leh sida ragga
kalee isu sharaxayaba. Socdaalkiisan Yurub ee is muujintiisa inuu
Gudoomiyaha Kilmiye sharaxanyey iyo Khudbadihiisa waxaa ka dhex
muuqday afar dhaliilood oo aad u waaweyn laakiin uu u babac shigi
karo dhammaantood.
1- Markii dhawr asbuuc ka hor uu is muujiyey inuu u sharaxanyey
Gudoomiyaha Kulmiye markiiba Madaxweyne Muse Biixi wuxuu sida jinka uga
dhex hadley Gudoomiye ku xigeenka KULMIYE ee ina DHAANDHEERE oo wuxuu
yidhi Maxamoud Xaashi golaha dhexe ee Kulmiye kuma jiro isla markaa
hogaanka Kulmiye na kuma jiro taasoo ay ka dhex muuqanayso in hadduu
golaha dhexe ee Kulmiye ku jiro waanu ka tuuri doonnaa sidii ina
geeljire iyo qaar kaleba aannu uga saarray waxaa kaluu sii raaciyey
golaha dhexaa Kilmiye la iska soo sharaxaa Facebook ga la iskama
sharaxo. Arintaasi waa dhirbaaxo siyaasi ah uu xambaarsanyey Mudane
Maxamed Xaashi laakiin mar qudha khudbadihiisa Yurub muu soo hadal
qaadin.
2- Kulmiye Meel walba waxaa kusoo dhoweynayey oo ficil Hadley intii
Siilaanyo la socotay rubuceed oo weliba dadkii qaadaa ma dhergaanka
ahaa ee shaqaale hoosaad la ahaa oo wadan qudha qammaamuurtii Kulmiye
may soo dhoweynayn taasina macne weyn bay u samayneysaa dadka
siyaasadda mashqaceeya.
3- Dawladdii iyo wasiiradii Xukuumaddii Siilaanyo inuu cid kasoo
kaxaystay ahayd oo aanuu qof firdhada u e kaan oo xitaa Suldaanadiisii
uu Buurmadaw ka mid ahaa ay qaar hankiisa kula socdaan laakiin keligii
oo cad oo madaw inuu kaambaynka bilaabo ma ahayn qudheeda halkaa waxbaa
jira.
4 - Ta labaad khudbadihiisu ma laha political motivation soo
bandhigiya waxyaaluhuu u soo qabtay ummadda reer SOMALILAND een guud
ahaan ahayn sida shaqo qoriddiisii Madaarka iyo Madaxtooyada oo dad kala
duwan wax u qabtay waayo waxaa aad loogu sheegaa inuu meel walba
caruurtoodiiyo aqoon lahayn ka buux dhaafiyey taana hadduu hayo wax uu
isku baraxo waa inuu khudbadihiisa run badan ku soo daraa wax baanay ka
taraysaa xagga taageerada maanta uu rabo.
5- Ta shannaad waa maxay Gudoomiye nimada Kilmiye ee nin keligii
doonaayaa miyaanay dadkale doonanayn mise waqtigii may gaadhine Maxamoud
Xaashi wuxuu sii sheegayaa inaan xagga Xukuumadda looga ogolayn oo
xoog buu sii urursanayaa iyo xoolo. Suaalo badan baa taagan siyaasadda
Maxamoud Xaashi laakiin qof waliba sibuu u dagaal galaaye usagaa is
badiya.
M Bashe
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...