Soomalida Iyo Hees Hawleedka Lo'da:

0
Tuesday January 14, 2020 - 12:31:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 4568
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomalida Iyo Hees Hawleedka Lo'da:

    Marka la amaanayo lo'da ayaa loogu heesaa oo layidhaahdaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka la amaanayo lo'da ayaa loogu heesaa oo layidhaahdaa

waxaad moodayey dhalashadaadii wiil:

Ø Wanaagsane weris

Ø Weyl uu xalay dhalay

Ø Wiil lamoodyoo

Ø Loo wanqali gaadh.



Marka ay ooman tahay lo’du ayaa loogu heesaa oo layidhaahdaa habeenkii ma soconkarayside yaan waraabuhu meelahaa kaa helin:

o  Diinoow dhaxan gude

o  Dhawrsan mayside

o  Yaan dhurwaayadu

o  Dhexda kaa helin

o  Oo ku dhaawicin.


Markale ayaa layidhaahdaa marka la waraabinayo ceelka ha istaagine soo gal oo kaalin laga cabayo imow:

*    Sidii sac eryo ah

*    Aan irmaanayn

*    Aan nin lihi wadin

*    Ha il tuugine

*    Kaalinka imoow.


Markale ayaa ay ku tilmaamaan saca bakhayl aan waxba ureebin xataa baalalayda shimbiraha:

Ä Waa bakhayloo

Ä Waysha balaliyo

Ä Baalalayda ceel

Ä Biyo ugama tago.


Markale ayey ku caayaan inu yahay haraa (neef lo’da ka hadha)oo biyahana kahor caba waxaanay yidhaahdaan:

1.     Hoog inaad tahay

2.     Oo haraa tahay

3.     Aad lo’da hirdido

4.     Aad ka hor cabtana

5.     Sideed isugu heli.


Markale ayaa ay samir siiyaan lo’da marka ay xili jiilaala tahaye oo ay ku yidhaahdaan roob baa laynoo sheegee khayr fisha:

a)   Xaylo duugii

b)   Kuu xidigin jiray

c)    Xareed baridiyo

d)   Xays inoo sheeg.


Markale ayaa ay ku canaantaan inaanu sacu dhana ku wanaagsanayn hilib iyo maalistoona waxaanay ku yidhaahdaan:

·       Muquuniyo bixin

·       Maalis iyo hilib

·       Waan ismudanoo

·       Wallee magadoow

·       Midna kuma samid.


Markale ayaa ay isula eekaadaan buufimada birta lagu dhalaaliyo marka uu sacu daaqayo buuftiisa waxaanay yidhaahdaan:

·       Sidii buufimo

·       Birta loo dhiagay

·       Bay hagoogow

·       Buuf tumaale ah.


Markale iyagoo isbarbar dhigaya gabadhada gaarida ah ee hawlkarka ah iyo sac wanaagsan ee caanaha badan sida labadooduba udhalaalaan ayaa ay yidhaahdaan:

1.     Sacii dhiiniyo

2.     Naag dhabeelina

3.     Way dhalaalaan

4.     Sacii booriyo

5.     Naag basariyana

6.     Bawdadaa weyn

7.     Oo bogaa shilis.


Markale ayaa ay isbar bar dhigaan gabadha xaaska ah iyo saca dhalay sida ay feedhuhu uxayuubsamayaan waxaanay yidhaahdaan:

v Xay cadkaagiyo

v Naagtii xaasana

v Feedhahaa xagan

v Oo xayuubsama.


Markale ayaa ay u sheegaan lo’da inay waqti abaara tahay oo roob, baad, biyo toona jirine calaacalka ay joojiyaan oo cawadooda sugaan:

*    Cirku caad maleh

*    Ceelku biyo maleh

*    Dhulku caws maleh

*    Kaagan ciyayow

*    Calaacalayaa

*    Muu cawadii sugo.


Markale ayaa ay ku yidhaahdaan caanahaaga iyo gabadh weynaatay ciidan keedu (waxtarkeedu waa bar kumataal):

*    Caanahaagiyo

*    Ciidan gabadhweyn

*    Waa caleen haddi

*    Oon ciyoon dhace.


Markale ayaa ay yidhaahdaan hadii lo’du biyo hesho, cawsna hesho caydh markaa waad kala tagteen:

*    Haduu ceelkiyo

*    Cawska tiigsado

*    Oo cagoog maro

*    Oo cidiyo jabo

*    Caro gaajoow

*    Caydhi goyn noqoy.


Markale iyagoo wax usheegaya lo’da ayaa ay yidhaahdaan buurta buur dhudub ee dooga badan biciidka la daaq:

Q Buurta buur dhudub

Q Ee butada badan

Q Banka laba geed

Q Wiil barbaariyo

Q Biciid kula miro


Markale ayaa ay ku yidhaahdaan waan gadhaystay oon gaboobay oo maan guursan sidaana waxa ii galay yaanad gaajoon:

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...