Maamulka madaarka egal international airport oo dhibaato ku haya shaqaale weynaha madaarka iyo M/kuxigenka Awooda badan

0
Tuesday January 14, 2020 - 12:28:03 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1904
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka madaarka egal international airport oo dhibaato ku haya shaqaale weynaha madaarka iyo M/kuxigenka Awooda badan

    W/Q: Osman jama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Osman jama

Mareeyaha haayada duulista iyo madarada oo ku guuldarastay inuu isbadal ku sameeyo mamulka madaarka caasimada oo noqday dhibaato curyaamisay horusocodkii madarka caasimadu tiigsanaysay



Madaarku wuxuu ka mid yahay meelaha ama muyaarada laga dheehan karo horimarka ay somaliland ku talabasatay waana halbowlaha ay ka shidaal qaadan karaan qurbajoogta ama dadyowga dibadaha inagaga imanayaa


Hadaba madaarka magalada hargeisa ee Egal intl airport oo ah garoonka kaliya ee wakhti xaadirkan shaqaynya somaliland ayaa nasiib daro daradeed aan bulshadaasi si hufan ugu adeegi karin kana soo bixi karin waajibaadka qaranka uu u hayo fulintiisa iyo dardaran galinta habsami u socodsiinta hananka shaqo ee laga doonayo


Hadaba maamule ku xigenka  madaarka Egal Ahmed Caran ayaa xadgudubyo iskugu jira cabudhin tacadi iyo cagajulayn ku haya shaqaale weynaha madaarka isago isticmalaya shaadhka madaxweynaha


Xadgudubyada iyo tacadiyada isdaba jooga ah ee uu u gaysanayo shaqaalaha maamule ku xigeen Axmed carab ayaa ah mid ka baxsan xaquuqda qofka shaqale ahi leeyahay una maro sifooyin khaldan oo haba yaratee aanay ka war hayn masuuliyiinta ka saraysaa isla markaana aanu haba yaratee wax aqoon ah u lahayn habka ama xeerarka shaqalaha lagu maamulo ee u degsan oo aanu faham buuxda ka haysan


Sida aan warka ku hayo waxa lay sheegay inuu awood u leeyahay inuu taliyaha madaarka amar ku siiyo so xidhida muwaadin shaqaale ah oo aan waxba galabsan oo gudanaya howl maalmeedkiisa shaqo kuna dhex jira sidoo kale taliyaha ayaa la sheegay inuu yahay mid u dhago nugul amarada qalfsan ee uu mamulaha madaarku siinayo iyo in uu shaqada ka joojiyo shaqalaha iyado loo marin xeerarka shaqalaha u dagsan (employment law)


Taliyaha madaarku waa taliye aan soo qabshada qofka lo diray aan ku so qaban kolba faldanbeeyidka uu gacanta kula jiro balse amar uu maamuluhu bixiyo uun ku xidha qofkuu doono shaqada xoog kaga so saara

 

Hadaba hab dhaqanka maaamulka madaarka oo uu ugu horeeyo maamulaha madarka iyo ku xigenkiisa awooda is bidey ayaa ah mid aad u liita oo dhaawac iyo dhiigbax ku ah sumcada madaarka


Tacadiyada madaarka ka jiro een la ogayn waxa ka mid

Cago juglayn, Mu aamarad, shaqo joojin, ku takri fal awoodeed Sidaas iyada oo ah hadana shaqalaha qaarkood loo ogalado in ay si xoriyad ku  shaqayeen qaarna lagu hayo cago juglayn iyo car juuq dheh

 

Isku soo wado duboo waa kuma mamulahe ku xigeenka madarku?

 

Maamule ku xigeenka madaarku  sidaad u jeedaan waa maamule ku xigeen ka madarka cigaal ahna maamulaha parkingka cigaal ahna maamulaha security ga ahna maamulaha shirkada som cable halkay la dhacda shakhsi intaas oo xil isku haya miyaa la waayey cid kale waa maya laakiin nidamka madaxwayne muuse biixi ayaa ku dhisan qabyaalad iyo xigtaysi


Labadan maamule ee madarku  intay joogeen madaarka hargeisa waxa ay  gaysteen musuqmaasuq aad u balaadhan


Sido kale labadan maaamul waxay ka ganacsadaan alaabaha laga reebo passengerska sida cadarada.,malabka ,subaga, dhagaxanta macdanta ee qaali ah ee laga reebo passengerka waxa ay shuraako la yihiin shirkado ganacsi oo chines ah oo dhuufiso macdanta isla markaana uu u fudeydiyo siday madarka uga bixi lahayd


Maamule maxamed xuseen  iyo maamule ku xigeen axmed carab intaan rodol xilka maamulenimo u magacibin waxay  ahayeen laba shakhsi oo ay dhalanrogeen duurufaha aduun wayuhuna dabar adag ku xidhay laakin manta waa  laba nin oo ay ka muuqato kibir isla weyni iyo qab hadaan xilka mamulnimo iyo ku xigeen aan laga qaadina uu madarka hargeisa ku noqon doono laf dhuun gashay albaabadana la iskugu dhufan doono madama ayna aqoon u lahayn habka maamul madaar (airport management) soona baran cilmiga maamulka madarada haba yaratee ana aqoon buuxda u lahayn mamulka iyo maareynta laakinse ay ku jogaan hab musuqmaasuq madama mareyaha hayada iyo maamule ku xigeen ku ay isku hayb yihiin halka maamulaha isaga lagugu geeyey inuu yahay mid dhagoole ah oo aan wax aqoon ah lahayn maamule magac u yaal ahna ah oon ka hor iman karin kacaanka meesha haysta oo kala ah


*waa maareyaha

 *wa mamule ku xigenka ahna maamulaha parkingka ahna maamulaha security madarka ahna maamulaha shirkada som cable

* waa  sarkaalka sirdonka madarka

* waa mamule ku xigenka kastamka madarka oo isna jufada hoose ee madaxweynaha

Sidoo kale waxay ku kacaan waa labadaas maamule aan so xusay eex iyo qaarabo kiilnimo iyagoo shaqaalaha ay xigto yihiin ay si gooni ah u  siiyaan gunooyin aan shaqalaha kale qaadan taasina waa caadalad darooyinka ay ku kaceen  balse aanu ogayn maareeyaha  hayada duulista iyo hawada jsl oo isagu dan ka lahayn mesha waayo waa howlgab aan kala ogayn siday wax u socdaan (retired man)


Labadan maamule waa mamule maxamed xuseen iyo maamule ku xigeen ahna maamulaha parkingka ahna maamulaha securityga ahna maamulaha shirkada somcable intay  xilka madaarka hayeen waxay sameeyeen boob iyo musuqmasuq baladhan oo dakhliga madarka iyo ka parking kaba ay iyago gacanta ku hayaan  awood ahaan marka la eego waxa awood sareeya mamule xigenka waana ta keentay in uu intaas oo xil isku hayo isagoon lahayn aqoontii ku filan uu ku mutaysan karo inuu intaas oo xil isku qabto balse uu kalsooni ka haysto madaxweynaha oo ay isku jufo hoose yihiin


Ka hor may lahayn wax hanti buuran oo muuqata maante se waa laba tujaar oo ka faraqabsaday dakhliga ay gacanta ku hayan isla mar ahantaana aanay ka baqayn maareyaha haayada sababto isba ma dhaamo wuxu qaadan karay waa qaatay waana nin weyn oo retired ah


Madarkii hargesia waxa maamulaya maamuleyaal aaan haba yaratee wax aqoon avaition iyo  Mid management aan lahayn haba yarate taasina waa inkaraha ku habsaday qarankan .


In badan oo shaqaalaha madarka ayey  shaqada ka eryeeen Cabashada shaqlahaas ay  eryeena ma jirin cid dhagaystay oo dheg u dhigta Oo arimahooga kula xisabtamtanta hadimada iyo shirqoolka ay u maleegeen shaqalaha ka hor yimada ama ka war haya xatooyada ay meesha ka wadaan haday noqoto haayada shaqaalaha iyo wasarada shaqada iyo arimaha bulshaduba ma oga


Abwaan hore waxa uu yidhi cuqubo halkii lagu galay bay caw ku huridaaye caruurtay ka laysaa ninkii caanaheed dhamaye


Mareeyaha haayada duulista iyo madaarada oo ku guuldaraystay inuu isbadal ku sameeyo labada  maamule madaarka oo noqday dhibaato curyaamisay horusocodkii madaarku uu tiigsanayey horimar waara mustaqbalka dhow iyo ka fogba


Isbadalkii dalka ka dhacay ee la moodayey mid lagu diirsadan doono oo guud ahaan somaliland maasheyn doona ayaa wuxuu noqday isbadal aanay mahdiyin qaranka guud ahaan gaar ahaan shaqalaha haayada duulistu oo wali la tiicaya maamul xumo gaamurtay oo soo gaabisay amalkii iyo rajadii ay ka qabeen xukuumada biixi inay u horseedo in dalka laga hirgalin doono


Isbadalo lagu sameeyo wasaradaha dalka iyo madarka caasimada taasi se ma dhicin badalkeeda waxa jira in taladii qaranku uu soo dhaafi waayo qoyska madaxweynaha oo iyagu siday doonan sameeya cid ay raali ka yihiina keena kolba halka manfac leh dadku se waxay isku khaldaan in dalku reer gacanta ugu jiro laakin ma oga in dalku qoys yari uu ka arimiyo oo aanay cid kale ku labayn


Sidoo kale in wasaaradii duulista iyo hawada loo badelo haayada duulista iyo madarada masuul cusubna loo magacabo ma samayn karto wax micno leh oo la taaban karo waxanay u muuqata cudurka kaa gala fardaha hadii lagu gubo dameer dawadaa lama gaadhayo


Hadaba maamulka madaarku wuxu ku baaahan yahay isbadal (radical change) xididada loogu siibayo habacsanaanta iyo maamulxumada ragaadisay oo ah mid mudo dheer soo jitamaysay si isbadel mug iyo miisaan lihi ugu curto garoonka


Waana ahmiyada kowaad in mudnanta la siiyo in qof haboon loo soo magacabo (right person in right position )

Laakin ma filayo taasi inay dhici doonto madama talada dalka cidi haysa aanay dan ka lahayn qarankan oo qudha ay jecelyihiin inay ka hantiyeystaan oo dhaqale buuran uun ka helaan dalkan iyaga iyo ciday raalida ka yihiine


Filo qaybaha danbe maalmaha soo socda oo aynu ku qaada dhigi doona safiirka jiifa ee madaxweyne muuse biixi u jooga safarada somailand ee itoobiya  ee ay ka shaqayn kari wayday safarada somaliland ee itoobiya


Aqoonyahan  osman jama

Hargeisa, somaliland

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...