Xildhibaan Qabile Oo Soo Bandhigay Qodobo Looga Baahanyahay Inuu Muuse Biixi Sameeyo.

0
Tuesday January 14, 2020 - 11:56:17 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1907
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Qabile Oo Soo Bandhigay Qodobo Looga Baahanyahay Inuu Muuse Biixi Sameeyo.

    Hargeysa (HWN)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (HWN)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha
Wakiilada, ayaa Madaxweynaha ugu baaqay inuu badheedho oo go’aan kama dambays ah ka qaato arinta Komishanka, danaha gaarka ahna aanu eegin ee uu eego danta qaranka, iyo codsiga Beesha Caalamka.

 

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay sidan "Siday hadda wax yihiin iyo waxaa soo baxay weynu aragnaa, Madaxweynahana waxaa hor taagan afar qodob, afartaas looga baahan yahay inuu kala xusho, afartan qodobna waxay kala yihiin qodobka ah abaalka beelaysan ee la sheegay in isaga loo galay, danta Golayaasha, codsiga Beesha Caalamka iyo danta Qaranka,laakiin Madaxweynaha waxaa laga rabaa inuu badheedho sidii uu Daahir Rayaale u badheedhay 2005, oo dantihiisi gaarka ahaa ayuu danaha qaranka ka horeeysiiyey, markaas waa inuu Madaxweynuhuna sidaas oo kale sameeya, oo uu danaha gaarka ah ka horeysiiya danaha qaranka, abaalka beelaysan ee uu Buurmadaw ku mana-sheeganayo iyo danaha Golayaasha, waxaa ka weyn danta Qaranka, ee Madaxweynaha danta Qaranka raac,waxaana laga sugayaa go’aan dadka u wada cuntama, ee lagama sugayo go’aan dadka kala kaxeeya, cid gaar ahna ha u danayn, ee Somaliland u danee, codsigaas Beesha Caalamkana tixgali”


Loading...
Loading...