Addis Ababa:-Shirar u socday Ergooyin Ka Tirsan Maamul-gobolleedka Golis State Sool, Sanaag, Cayn iyo Awdal

0
Monday January 13, 2020 - 20:23:23 in News by A. Asbaro
  • Visits: 8780
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Addis Ababa:-Shirar u socday Ergooyin Ka Tirsan Maamul-gobolleedka Golis State Sool, Sanaag, Cayn iyo Awdal

    Addis Ababa:-Shirar u socday Ergooyin Ka Tirsan Maamul-gobolleedka Golis State oo la soo gebo-gabbeeyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Addis Ababa:-Shirar u socday Ergooyin Ka Tirsan Maamul-gobolleedka Golis State oo la soo gebo-gabbeeyay
Hargeisa(HWN):-Waxa magaaladda Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia ku soo dhammaaday Shirir is-daba joog ah oo u socday ergooyin isugu jira Aqoonyahanno, Siyaasiyiin, Qurbo-joog iyo Qol-qol joog ka soo kala jeedda gobollada Sool, Sanaag, Awdal iyo Togdheer.
Image may contain: 5 people, including Jabhada Xoghayaha, people standing


Shirkaas oo nuxurkiisu ahaa sidii shacabka ku dhaqan Gobollada Waqooyi ee Somalia u samaystaan maamul Gobolleed ka turjumaaya doonista iyo rabitaanka Shacabka labada maamul Goboleed ee Golis State iyo Awdal State oo ku midoobay magaca NORTHERN STATES OF SOMALIA,kaasoo waafaqsan nidaamka Faderal Somalia.

Qodobada Nuxurka Heshiiska Maamul Goboleed ee Awdal State Iyo Golis state (Togdheer,Sanaag ,Sool)
1.In Labada Maamul Goboleed ku bahoobeen Dalada Guud ee Magaca Northern states of Somalia oo leh Astaanta Qaranka Soomaaliyeed.
Image may contain: 2 people, people standing

2.In Midnimada iyo Qarannimada Somaliyeed tahay mid muqadas ah

3.In labada maamul Goboleed iska kaashadaan Nabadgalyada xuduudaha Dawlad Goboleedada iyo Xuduudaha Dawlad Degaanka Somalida iyo Xeebaha Waqqooyi & guud ahaan Geeska Africa.

4.In Dalada Guud ee NORTHERN STATES OF SOMALIA ay Si buuxda ula shaqayso Dowlada Faderaalka Somalia.

5.In Dalada Guud ee Northernula States of Somalia ay si buuxda ula shaqayn doonto Maamul Goboleedyada kale,si waafaqsan Dastuurka Faderalka Somalia.
Image may contain: 3 people, people smiling, people standing

6.In labada Maamul Goboleed ka midaysan yihiin siyaada, Difaaca iyo Dhaqaalaha Iyo Difaaca Dhulka Somaliyeed

7.In Dhamaan muwadiniinta Somaliyeed ee ku dhaqan Degaanada Northern states of Somalia la xaquuq yihiin muwaadiniinta bulshada Gobolada Waqooyi

8.In Dawlad Goboleedka Northern States of Somalia Dastuurkeeda saldhig u yihiin Shareecada Islaamka, Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka 
Soomaaliya(JFS), dhaqanka suuban, nidaam caddaaladeed, nabad, tala-wadaag, dimuqraadiyad iyo hanaanka xisbiyada badan

9.In Xarunta iyo Caasimada Northern States of Somalia si ku meelgaadh laga dhigi doono Magaalda Buuhoodle ee G.Togdheer
Image may contain: 1 person, standing and suit

Image may contain: 3 people, people smiling, people standing and indoor
Image may contain: 5 people, people sitting and indoor
Image may contain: 5 people, people standing and indoor
10.In xukuumada iyo dhismaha Dawlad Goboleedka NORTHERN STATES OF SOMALIA lagu soo doorto habka beelaha iyada oo ay u meteli doonaan. Ergooyin ka kala socda beelaha wada dega Degaanada Gobolada Sool,Sanaag,Togdheer iyo Awdal oo ay kala iman doonaan tiro ergooyin isleeg

11.In Xeerka ugu sareeya noqdo Dastuurka ku-meel-gaadhka ah, sida ku cad mabaadi’da Dastuurka iyo qaab- dhismeedka nidaamka Dowladda iyo awaamirta uu tilmaamayo, waxuuna ku dhisan yahay mabda’a qaybinta awoodda ee hay’adaha Xeer-dajinta, Fulinta iyo Garsoorka, aaya-ka-talinta, ismaamulka iyo sarreynta Xeerka si loo xaqiijiyo rabitaanka shacabka Gobolada Sool Sanaag,Awdal iyo Togdheer
Image may contain: 3 people, people sitting and indoor

Image may contain: 4 people, people smiling, people standing and suit
12.Beelaha Heshiiskani dhex maray ee Gobolada Sool,Sanaag,Awdal iyo Togdheer oo noqonaya 85% mushtamaca ku dhaqan Gobolada Waqooyi in laga bilaabo maanta inaanu ka midnahay Dawladaha Faderalka Somalia.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...