Guur Casriga Ah Iyo Caasiga Ku Ladhan, Cidhibtirka Qoyska.

0
Monday January 13, 2020 - 19:52:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1450
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guur Casriga Ah Iyo Caasiga Ku Ladhan, Cidhibtirka Qoyska.

    Aasaaska bulshadu waa habdhaqanka nolololeed ee lagu carbiyo arrimaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aasaaska bulshadu waa habdhaqanka nolololeed ee lagu carbiyo arrimaha
halbeega nolosha,  sida aad u taranto ayaa raad weyn ku reebta tafiirta oo ah ta dhaxasha waxa looga tagay, dunidan aynu joogna waxa jira tartan hadda la ogaaday oo ah in kolba tirada dadkaagu yahay qayb laxaadle ka qaadanayso koboca dhaqaale iyo jiritaan ee dal leeyahay.



Haddaba masiiboyinka qaran een wali la dhaadin waxa ka mid ah HABKA GUUR MAAMUUSKA oo noqday dabargoyn keeni karta cidhib xumo sahayata nololsha TUSAALE ahaan waxa soo kordhay in marka laba qof oo doonaya inay nolol sameyataan wacan, ay marka xaflada meherka laga dhigo inay ka qabsoonto laba meelood sida marka wiilku xaflada meherka ka soo baxo inuu toos u tago goob xafladeed loo sii diyaariyey oo ay joogto gabadhi ilbidhiqsiyo ka hor loo meheriyay halkaasna  qaab meher caasi ah ka dhaco oo fargal gacanta laysku galiyo taasoo ku kacaysa kharash badan iyo in si dadban qaab kinisaseed loo aagaasimo meherka taas oo dhaqaale iyo dhaqanba dhildhilada u saaraysa, waxa kale oo jirta ISBARASHO QOYS: in labada reer ee lamaanuhu isku qaabilaan qaab xafladeed oo halkaa dhaqaale badani ku baxo.


labadaa dhacdo wareed. Arooska ka dhasha waa la garanayaa waxa uu soo wado.


Waxa jira dad arrimaha guurkoodu u burburay ama saameyn ay ku yeelatay arrinta aan kor kuxsay,  dhalinyartuna waa isku daydaan inta  badan waxaaney keenaysaa in isugu faanka qaab xafladeedkaasi curyaamiyo hanaankii taranta qoyska ee qaran ku faano, waxaana ka dhalan karta irdhaw  ay dhalintii awoodi kariwaydey ku dhaqaaqan dhaqan doorsan kale oo macsida iyo sinadu badato.


Haddaba si looga hortago. Halkee ayuu maray doorkii dawladu ku lahayd hagaajinta iyo toosinta arrimahan  meeye 1 WASAARADII DHAQANKU

 

2 .WASAARADII DIINTA IYO AWQAAFTU,

3 WASAARADII ARRIMAHA BULSHADU.

.Qalinkii Qoraa Hal_Abuur

Maxamed C/qaadir colhaye

Email. [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...