Cali Baqdaadi Oo Musuq Maasuqiisii Ku Fidiyey Dhalinyarada Garxajis, Kooxo Uu Rabaystay Iyo Talaabada Laga Dhawrayo Muuse Biixi

0
Monday January 13, 2020 - 14:37:04 in News by
  • Visits: 3536
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Baqdaadi Oo Musuq Maasuqiisii Ku Fidiyey Dhalinyarada Garxajis, Kooxo Uu Rabaystay Iyo Talaabada Laga Dhawrayo Muuse Biixi

    Cali Baqdaadi Oo Musuq Maasuqiisii Ku Fidiyey Dhalinyarada Garxajis, Kooxo Uu Rabaystay Iyo Talaabada Laga Dhawrayo Muuse Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cali Baqdaadi Oo Musuq Maasuqiisii Ku Fidiyey Dhalinyarada Garxajis, Kooxo Uu Rabaystay Iyo Talaabada Laga Dhawrayo Muuse Biixi


Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha baanka dhexe ee somaliland Cali Ibraahim Baqdaadi oo taariikhda ku galaya inuu yahay masuulkii ugu musuq maasuqa badnaa ee soo mara baanka dhexe ayaa hada bilaabay qorsheyaal kale oo uu ku lunsanayo hantida umada ee uu Muuse Biixi masuulka uga dhigay.



Ustaad Xasan Oo Ka Mid Ah Hogaamiyeyaasha Kooxda Uu Rabaystay Cali Baqdaadi

Gudoomiye Cali Ibraahin Baqdaadi oo maalin kastaba dajiya qorshe uu ku lunsanayo hantida shacabka somaliland ee uu masuulka ka yahay ayaa hada bilaabay nidaam uu sifo khaldan ugaga faa,iidaysanayo xilka uu hayo.


Gudoomiye Baqdaadi oo hore u samaystay dhalinyaro raaskiisa ah oo uu ku maalgeliyey hantida umada kuwaas oo uu ugu tala galay inay ka difaacaan baraha bulshada isla markaana ka leexiyaan dhaliilaha loo jeediyo ee dul hoganaya ayaa hada bilaabay qorshe kale oo uu sifo khaldan ugaga faa,iidaysanayo dhalinyaradaas uu carbistay.


Dhalinyaradan oo hirgeliya qorsheyaal iyo fariimo uu u laqimay gudoomiye Cali Baqdaadi ayaa si indho la,aan ah uga hadlay Musuq maasuqa uu ku kacay ee ay Hadhwanaagnews sida joogtada ah ugu baahiso bulshada, waxaanay haatan ku doodeen inaanay fiicnayn in la soo bandhigo musuq maasuqa gudoomiyaha Baanka iyaga oo sheegay inay u daran tahay sumcad gudoomiye Baqdaadi, waxaanay si aan gabasho lahayn u garab istaageen in la musuq maasuqo hantida shacabka danyarta ah ee somaliland ee uu masuulka ka yahay hogaamiyaha Baanku.


Gudoomiyaha baanka dhexe ee somaliland Cali Ibraahin Baqdaadi ayaa sidoo kale hantida shacabka ee uu masuulka ka yahay uga faa,iidaystay in kooxda dhalinyarada ah ee uu sameeyey oo ka soo jeeda beeshiisa, waxa uu ugu tala galay inay ka difaacaan baraha bulshada isla markaana ay ku baahiyaan qoraalo ay ku sheegayaan amaan aan sal iyo raad toona lahayn oo ay u jeediyaan, taas badalkeedana waxa uu u qoray mushahar ka madax banaan dawlada oo uu isagu uga qoray hantida uu masuulka ka yahay ee baanka dhexe taala, talaabadaas oo sii muujinaysa inuu wali ku gudo jiro musuq maasuq aan xad lahayn oo u gaysanayo dhaqaalaha umada ee gacantiisa ku jira.


Dhalinyaradan oo aan ka mid ahayn shaqaalaha rasmiga ah ee u diwaan gashan dawlada somaliland ayaa hadana bil kasta baanka dhexe uga xaadira mushahar aan ilaa hada xadigiisa la ogayn, taas oo uu sifo sharciga baalmarsan ugu qoray gudoomiyaha Baanku Cali Ibraahim Baqdaadi.


Dhalinyarada uu sida gaarka ah u rabaystay gudoomiyaha Baanka dhexe ee somaliland Cali Ibraahin Baqdaadi ayaa hadyo jeer baraha bulshada ku baahiya warar borobogaandho ahbalse iyaga oo laga dareemayo cadaadiska uu saaray gudoomiyaha Baanku ayey si indho indho isku qabad ah u sheegaan inay ka damqanayaan musuq maasuqa uu ku kacay gudoomiyaha Baanku ee hadyo jeer lagu soo bandhigay qaybaha kala duwan warbaahinta.


Dhalinyaradan nidaamka beelaysan ugu shaqeeya Cali Baqdaadi oo mushahar leexsan oo ka madax banaan dawlada iyo nidaamka shaqaalaysiinta iyo mushahar bixinta ee hay’adda shaqaalaha ka qaata baanka dhexe ayaa si qabyaaladaysan oo cadaan ah u difaaca musuq maasuqa iyo hanti lunsigii ugu weynaa ee ka dhaca baanka oo uu gaystay gudoomiye Cali Baqdaadi iyada oo laga wada war qabo in markii uu mudo kooban hayey xilka baankana uu magaalada Hargeysa ka bilaabay dhismayaasha fooqyo waa weyn oo qiime badan ku kacaya isaga oo cadeeyey inuu ka dhigayo hudheelo uu gaar u leeyahay iyada oo ay ilaa hada ku socdaan nashqadaynta, qurxinta iyo qalabaynta lagu samaynayo ee laga maal gelinayo hantida shacabka ee la musuq maasuqa lagu qaadanayo.


Mudo ku siman laba sanadood ayuu Cali Baqdaadi wali ku hawlan yahay musuq maasuqa uu ka gaysanayo baanka dhexe waxa waajib ku ah inuu maanka ku hayo qodobadan.


 

1.Inuuu maanka ku hayo inaanay Hadhwanaagnews marna joojin doonin, baadhida, daba galka,soo bandhigida iyo shaacinta qorshayaasha musuq maasuq ee uu ka wado baanka dhexe.


 

2.In dhalinyarada beeshiisa ah ee uu rabaystay isla markaana mushaharka uga qoray baanka uu ka daayo in dhaqaaalaha uu siinayo aanu ugu adeegsan qorsheyaal dilaya sumcadooda, iyagana looga baahan yahay inay hor istaagaan sifaha tacadiga u muuqda ee uu doonayo inay ugu fuliyaan danaha gaarka ah ee uu ka leeyahay.


 

 

3.Sidoo kale gudoomiyaha Baanku waa inuu niyada ku hayaa inay iman doonto maalin lagala xisaabtami doono musuq maasuqa baahsan ee uu u gaysanayo hantida umada ee uu masuulka ka yahay iyo sifaha qaldan ee uu uga faa,iidaysanayo dhalinyarada uu ku gumaysanayo mushaharka sharciga baalmarsan ee uu ka siiyo hantida umada ee uu msuulka ka yahay.


 

4.Sidoo kale shacabka somaliland ayaa si weyn isha ugu haya talaabooyinka musuq maasuq ee uu gaysanayo gudoomiye Cali Baqdaadi, waxaana hogaamiyaha Somaliland Muuse Biixi laga dhawrayaa nooca ay noqon doonto talaabada uu ka qaado gudoomiye Cali Baqdaadi, taas oo jawaab u noqon doonta musuq maasuqa uu gaysanayo tan iyo markii xilkaasi loo magacaabay.

 



Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...