Daraawiishtii iyo Beesha Ugaadh Aadan-madoobe
Beesha Ugaadh Aadan Maxamed Abokor (Aadan-madoobe), si aad iyo aad ahayd, ayay Daraawiishtii Ina Cabdille Xasan ugu wada biirtey, oo uga wada mid noqotey; oo ugu wada idlaatey. Rag badan, oo Xaaji Suudi iyo Ina Shixiri ka mid ahaayeen, ayaa darajooyin sare ka wada gaadhey.
Beesha waa la ceydhsadey
Beesha
Ugaadh Aadan-madoobe, oo saldanaddii Beesha Habar Toljecle (Toljecle)
ka talin jirtey, oo xaddaarad guun ah lahayd, oo ilbaxnimo u gooni ah
lahayd, oo dekad iyo maraakiib lahayd, oo Carabta iyo Hindida-ba
calaaqaad ganacsi la lahayd, ayay Beesha Habar Toljecle (Toljecle) ay
dagaal sokeeye ku qaaddey, oo iskugu wada tagtey, oo saldanaddii beesha
ku burburisey, oo beeshii bara-kicisey; oo afarta jihood u kala qaxisey.
Sidaas darteed, beeshu guud ahaan, cadho iyo ciil badan, ayay dhammaan Beesha Habar Toljecle (Toljecle) u wada qabtey; oo u wada haysey.
Rag damqadey ayay ahaayeen
Nimankaas
Daraawiishoobey, dareen ayaa wada kiciyey, oo damiir baa wada
dhaqaajiyey, oo damaq ayaa xammaasad ku wada abuurey, oo wada
Daraawiisheeyey; oo Ina Cabdille Xasan kala wada jaal dhigey.
Raggaas wada Daraawiishoobey, wax kalgacal Daraawiisheed ah, ama halgameed ah, ama Sayideed ah’i, kuma aanu jirin, oo ciidankaas uma aanu geynin, oo kuma aanu darin. Laakiin duruuf qallafsaneyd, oo colaadeed, oo cadaawadeed, oo ceydhsiyeed, oo beesha ku gadaaneyd, ayay ka wada carareen; oo gulufkaas ku wada kalliftey.
Nimankaas Daraawiishoobey badankoodu, qorsheyn u gaar ahayd, oo u qarsooneyd, oo ay isla wada meel dhigteen, ayay ku wada socdeen.
Raggu waxa ay damacsanaayeen
Ciidankaas
beesha, ee wada Daraawiishoobey, gaar ahaan saraakiishu waxa ay
doonayeen, inay iyaga oo magaca Daraawiisheed wada huwan, oo hubkooda ku
wada gaashaaman, inay Beesha Habar Toljecle (Toljecle) beegsadaan, oo
weeraraan, oo ka aarsadaan.
Ragga waxa hakiyey
Ina
Cabdille Xasan, oo ra’yigiisa mid aan ahayn, aan lagu hawl-gali kari
jirin, oo amarkiisa mid aan ahayn, aan lagu dagaal gali kari jirin, oo
cidda tiisa ka hor-timaadda, ama uu uga shakiyana, seefta uun marin
jirey, ayay dhan ay ka maraan waayeen.
Waa sababtaas ta hakisey, ee ku keentey, inay ama sidii Ina Shixiri iskaga hulleelaan, ama inay si dhab ah iskaga Daraawiishoobaan.
Alla ha u naxariisto’e, Salaan Carabey ayaa yidhi:
Anuunbaa dhaxantu xaley iigu timi, dhimirsigii ciile
Dhegxumada aniyo baa masa ah, dheecdan reer gude'e
Wallee ama dhilfida laygu xidhey, dhoobo qolof saarey
Wallee ama dhulkaba waan ka tegi, dhaaban magaciiye.
Maxamed Sheekh Daahir
[email protected]
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!