Hambalyo Sagaljet Kun Jeer, Khaalid Jaamac Qodax Bristol @khalidqodax

0
Monday January 13, 2020 - 08:14:22 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1511
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hambalyo Sagaljet Kun Jeer, Khaalid Jaamac Qodax Bristol @khalidqodax

    Erey iyo laba midna laguma soo koobi karo quruxdii,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Erey iyo laba midna laguma soo koobi karo quruxdii,
farshaxannimadii, habeyntii, haggiddii, iyo haloosiddii xafladdii bilneyd, boqraneyd ee sannad-guurrada 13aad ee shirkadda Sagaljet ee ka dhacdey magaalada Hargeysa. Aniga oo fursad u heley inaan dawaado cawa muuqaal la soo dhigey barta Facebook-ga ee shirkaddu ku leedahay. Xafladdaasi oo lagu abaalmarinaayey shaqaalaha shirkadda, oo siyaabo kala duwan lagu abaalmarinaayey.



Ka dib markii aan dawadey wey ila noqon weydey inaan niyadda uun ka hambalyeeyo shaqala-weynaha shirkadda, oo runtii ay ka muuqatey farxad, niyadsamaan, iyo hididiilo heer sare ah. Waxa aan qoraalkeygan kooban hibo iyo hambalyaba uga dhigayaa shaqaalahaasi oo runtii aniga oo meel ka dheer jooga, aan dareemay in ay haddana mudan yihiin in la taageero, hambalyeeyo, lana bogaadiyo horumarka baaxadda leh ee ay sameeyeen.


Horumarka laba arrimood ayaa saldhig u ah inuu yimaaddo. Kow,hoggaamiye leh karti, aqoon, uu ku garanaayo jihada uu u socdo, garwaaqsanaminta, iyo maxsuulka kartidiisa laga fili karo. Iyo laba, cidda caawineysa oo iyaguna leh aqoon, karti iyo hufnaan ay ku xambaarayaan yoolka hoggaamiyahooda.Labadaasi arrimood waxa ay ka muuqdaan hoggaanka iyo shaqaalaha shirkadda oo uu hormood ugu yahay saaxiibkayCabdi Yuusuf Aar oo leh astaamaha hoggaamiye guuleystey lagu yaqaanno. Mar haddii ay sidaa tahay iiga wakiil noqo Cabdiyoowinaad hambalyadaasi iga gaadhsiiso shaqalaaha oo dhan, gaar ahaanna Axmed Jaamac Cabdi, iyo Jamaal Jaamac Cali.


Arrinta soo jiidashada lahayd ee xafladdu ay kaga duwaneyd xafladihii hore ayaa ahayd iney ahayd mid kooban, kuna eeg uun mawduuca xafladda, iyada oo dadka madasha lagu soo casuumey laga ilaaliyey siyaasiyiinta dadka indhahooda daashadey, iyo hadallada oo aad u koobnaa, nuxur weynna xambaarsanaa. Waxa aad ii soo jiitey tusaale ahaan ereyadii macallin Cabdiraxmaan Burraale ee aqoonta-casriga ah ku dhisnaa. In qofka bini’aadamka ah shahaado kasta oo uu haysto laga sii shaqeeyo horumarinta xirfaddiisa aqooneed waa mawduuc caan ka ah adduunka horumarey maanta, waana waxa loo yaqaanno "Continuing Professional Development” -"CPD”, taasi ayaana ka muuqatey sida macallinku marag furey in shaqaalaha Sagaljet ay heleen muddooyinkii u dambeeyey.


Intii aan xafladda daawanaayey waxa iiga muuqdey meelo badan oo dareenka hummaagga nafeyda aad u soo jiitey. Kooxda Hiddo Academy iney madasha bileen waxa ka markhaati ahaa farxadda lagu soo dhaweynaayey, iyo sida farshaxannimada leh ee shaqaaluhu ugu riyaaqayeen madaddaaladooda. Qosolka yaabka lihi waxa uu ahaa intii aan daawanaayey xafladda waxa aan garan waayey astaanta biladaha la guddoonsiinaayey shaqaaluhu ma kubadbaa?Ma gacanbaa?Ma astaanta shirkaddaa? Waxa halkaasi iiga muuqdey in falsafad weyni ku jirto kala duwanaanshahooda, bal adba.


Arrinta ugubka ku ah ganacsata waddanku waa iney abaal-mariyaan shaqaale hoosaadka. In askariga iyo gabadha xafiiska nadiifisa la siiyo biladdaasi waxa ay ka mid ahayd waxyaabaha dareenkeyga qoraalkan xaradhaamiyey ee aadka u dhiirigeliyey, arrintaasi oo ay mudan yihiin in lagu bogaadiyo maamulka shirkadda, in shirkadaha kalena kaga daydaanna waa astaan ilbaxnimo Hambalyo Ikraan Maxamed Axmed iyo Yuusuf Aadan Jaamac, oo ahaa labada qof ee igu dhiirigeliyey qoraalkan hambalyada ah. Waxase iyadana xiisaheeda lahayd in Nimco Cabdiraxmaan Cige ay ii dhuumatey. "Ileyn waa Weedhsan” ayey markii dambe naftu I tidhi. Inkasta oo qofkastaaba magac lagu yaqaanno fiican tahay in la sheego, haddana waa mid Sacad Cabdi Daahir uu nagala masuugey habeenkaasi. Maxayse kaaga taallaa, mar haddii Cabdi Yuusuf sacab ay niyadsami ka muuqato ugu hiiliyey daawadayaashii, isaga oo hoosta ka leh waa "Weedhsan”. Madasha waxa biley xaragadii Maxamed Xuseen Cilmi oo reer magaalnimo heersare ahi ay ka muuqatey sida uu ugu faraxsanaa billadda iyo qaabka layaabka leh ee uu u qaabiley gudoonsiintiisa. Ma hawl yareyn ninka akhyaartii madasha joogtey oo dhammi u kacdey, sacab-tuntey ee loo istaagey, waxaan is idhi malahayga "waa madaalaha shirkadda”Khaalid Xuseen Cali, inkasta oo aanan aqoon shaqsi ah u lahayn haddana magaca na kulmiyey awgeed waxa aan uga faa’iideysanayaa fursaddan inaan hambalyeeyo. Guddoomiye Aar waxa aan si kal-furan ula qabaa hambalyada askariga, iyo saddexda hablood iney mudan yihiin dhiirigelintoda, waxaana hubanti ah iney madasha qurxiyeen oo bileen.


Saddex sanno ka hor ayaa iigu dambeysey dhammaan shaqaalaha oo aan arko, waxase iiga muuqdey wejiyo cusub, iyo shaqaalihii oo aad u sii batey. Aan hambalyeeyo mid kal iyo lab ah Axmed Jaamac Cabdi oo noqdey shaqaalihii ugu wacnaa ee sannadkii tagey, dedaalka halkaasi ka sii wad Axmadow, usha lagugu dhufteyna orod ha kuu kordhiso idinka Alle. Aad Ayaan ugu farxay saaxiibkey Cabdiraaq Wayrax oo sii da’ yaraanaya inaan arko, inuu guuleystayaasha ku jireyna waxa ay ii ahayd mid farxad kale ii ah. Waxa madasha quruxsaneyd ka dhex muuqdey, oo I farxad galiyey saaxiibkey Cabdirisaaq Caynaan, Saleebaan Axmed, Iid Cismaan Ali, Xirsi Axmed Xasan,Maxamed Cumar Juujaa, Cabdiraxmaan Cismaan Baasto iyo Xuseen Aw Geesh oo ilaa yaraanteydii ka mid ahaa akhyaartii aannu isku xaafada ahayn, oo dhammaantood muddo fog igu dambeysey.


Sagaljet waxa aan ka mid ahay dadka isku tiriya inaan ka midka ahay. Waxaana naga dhaxeeya xidhiidh gun-dheer oo mid iyo laba aanan halkan ku soo koobi Karin. Waxa uu buuggeyga Diihaal-reeb ahaa kuwii ugu horreeyey ee buug ahaan ay daabacaan, waliba si casri ah, oo xirfad leh ay u suuq-geeyeen. Intaasi uun maahee, waxa na dhex marey, adeeg, macaamil, iyo shaqo wadaag muddo badan jirey.

 

Ugu dambeyntii hambalyo hambalyo mar kale dhammaan madax iyo shaqaaleba, aniga oo ku sii dhiirigelinaaya guddoomiye Cabdi Yuusuf Aar inuu halkaasi ka sii wado dedaalka iyo taageerada shaqaalaha oo ah laf-dhabarta shirkadda, iyaga la’aantoodna aan la gaadheen guushaasi lagu naaloonaayo.

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...