Ciidamo howlgal culus ka sameeyey xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho

0
Sunday January 12, 2020 - 14:43:38 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1547
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo howlgal culus ka sameeyey xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho

    Dhalinyarada qaar ayaa laga soo saaray guryahooda oo ay ugu galeen ciidamadu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhalinyarada qaar ayaa laga soo saaray guryahooda oo ay ugu galeen ciidamadu

Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa xalay howlgal ka sameeyey inta badan xaafadaha degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

 

Ciidamada ayaa gudaha u galayey qaar ka mid ah guryaha ku yaalla degmada Boondheere, iyagoo baaritaan ku sameynayey.

Image result for baarikaanka howlgalka muqdisho


 

Sidoo kale intii uu socday howlgalka oo isla xalay lasoo gaba-gabeeyey waxaa la arkayey ciidamada oo qab-qabanaya dhalinyarada ku nool xaafadaha degmada Boondheere, iyadoo la iskugu geeyey hal goob oo lagu kala saaray.

 

Dhalinyarada qaar ayaa laga soo saaray guryahooda oo ay ugu galeen ciidamadu, waxaana markii dambe la iska sii daayey, kadib baaritaan indha-indheyn ah oo ay ku sameeyeen ciidamadu.

 

Sidoo kale ciidamada samaynayey howlgalka oo ka tirsan booliiska Soomaliya ayaa markii uu soo dhamaaday howlgalku, waxay horay u sii ka xeysteen dhalinyaro fara ku tiris ah oo loo maleynayo inay uga shakiyeen falal amaanka liddi ku ah.


Loading...
Loading...