Hargeysa: Nin Mindi Ku Weeraray Wiil 14-jir ah

0
Sunday January 12, 2020 - 09:13:03 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa: Nin Mindi Ku Weeraray Wiil 14-jir ah

    Hargeysa, (HWN) – Abaaro Labadii Duhurnimo ee shalay ayaa Nin ku hubaysani

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa, (HWN) – Abaaro Labadii Duhurnimo ee shalay ayaa Nin ku hubaysani
Mindi waxa uu ku weeraray Arday 14 jir ah oo ka soo baxay Imtixaanka Dugsiga Xaafada Sheekh Nuur ee Magaalada Hargeysa, sida ay HCTV u sheegeen dad goobjoog ah.


 

Ninka Mindida sitay ayaa laba jeer Ardayga kaga dhuftay Misikta iyo Bawdada, waxaana Ardayga ka soo gaadhay dad goobta joogay.

 

Ilaa iyo hadda ma cada sababta dhabta ah ee ninkani u weeraray Ardayga, balse Axmed Cabdilaahi oo ka mid ahaa dadkii goobta joogay ayaa sheegay in markii uu waydiiyey sababta uu Ardayga midida ula dhacay ayaa u sheegay inuu ka amaan waayey.

 

Ciidamada Bileyska ee Saldhiga Bileyska ee xaafadda Sheekh Nuur ayaa xidhay ninka dhaawacyada u gaystay Ardayga lskuulka ka soo baxay.

Loading...
Loading...