Dad-guurka Burco Iyo Gobollada Bari

0
Wednesday January 08, 2020 - 09:25:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1319
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad-guurka Burco Iyo Gobollada Bari

    Dad-guur aan kala go'id lahayn, ayaa gaar ahaan Burco,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad-guur aan kala go'id lahayn, ayaa gaar ahaan Burco,
guud ahaanna gobollada bari oo idil, aad iyo aad, u wada saameeyey; oo haddii aan laga gaadhin, oo degdeg aan wax looga qabanin, wallee waa halis iyo aafo qaran; oo aan la mahadin doonin.



Dad-yahow! Burco iyo deegaannadaas bari, waxa ka socdaa’i, wallee waa xaalufin xooleed, oo waa xaalufin xirfadeed, oo waa xaalufin xurmeed, oo waa xaalufin xoogeed.


Dad-yahow! Burco iyo gobolladaas bari, waxa ka jiraa’i, wallee waa sheelid, oo wallee waa shareyn, oo wallee waa shaasheyn, oo wallee waa shiiqid, oo wallee waa baas baahsan, oo wallee waa musiibo bulsheed; oo aan laguba baraarugsaneyn.


Dad-yahow! Burco iyo aagaas bari, habeen iyo maalin, dadku way ka sii socdaan, dibna uguma soo laabtaan. Inta haatan ku suganina, waa wada maqanayaal-joogayaal, oo wallee salka kama wada fadhiyaan, oo ama sahan baa u maqan, ama safar baa u qorsheysan; oo Hargeysa iyo Garoowe, ayay ku kala jiheysan yihiin!


Sidaas darteed, deegaannadu waa wada dhiig-bax, oo maskaxda, muruqa iyo maalku kuma nagaadaan, oo dharaar walba way ka sii qulqulayaan. Kaaga daranta, dadku way wada xaaladeysan yihiin, oo qaxitaan dadban, oo aan qeexneyn, oo aan qayaxneyn, ayay la wada qandheysan yihiin.


Kaaga sii daranta, dadku way wada asqeysan yihiin, oo dad-guurkan ba’an, ee balaayeysan, ayaa aqoontii, dhaqaalihii iyo xoogiiba, kala tagey. Sidaas awgeed, Burco iyo gobolladaas bari, dabar-goyn dahsoon ayaa loo muuseeyey, oo loo hadoodiley, oo lagu dhabar-jabiyey.


Waa run, oo dalku dhinac buu ka raran yahay. Waa xaqiiq, oo dalku gees buu u janjeedhsadey. Waa dhab, oo dalka doc dhan baa dayacan, oo barbaartu wax mustaqbal ah, aanay ku haysanin. Waa hubaal, oo dalka qeyb idil baa qatan, oo qaawan, oo bulshadu wax mashaariic ah, ama horumar ah, ama adeeg ah, aanay ku qabin.


Sidaas darteed, xal degdeg ah, oo xaq-soorid ah, oo caddaalad ah, ayay Burco iyo gobollada bari u baahan yihiin.


Xalkuna, waa labada kafadood, ee miisaanka caddaaladda, oo isku dheeli-tiran, oo isla siman.

1-    Burco – (Caasimad Maamul) – (Administrative Capital)

2-    Hargeysa – (Caasimad Ganacsi) – (Commercial Capital)

Burco iyo gobollada bariyow!

Caqligiina, cududdiina, cuudkiina iyo codadkiinu, waa inay idiin ciidamiyaan, oo ku cad-goosataan – in shaa Allaah.


Maxamed Sheekh Daahir
[email protected]
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...