War Degdeg Ah: Golaha Deegaanka Laascaanood Oo Doortay Maayar iyo Maayar Xigeenka

Sunday June 20, 2021 - 10:33:38
Hadhwanaagtv
Isbahaysiga Mucaaradka Oo Ku Guulaystay Maayarka iyo Maayar Xigeenka Degmada Laascaanood

Laascaanood (HWN) Mudaneyaasha Golaha Deegaanka ee degmada Laascaanood oo saaka yeeshay kalfadhigoodii u horeeyay ayaa maayarka Laascaanood u doortay Mudane Cabdiraxiin Cali Ismaaciil (Qase) oo Xisbiga WADDANI ka soo baxay, halka ay maayar ku xigeenka u doorteen Mudane Axmed Maxamed Cumar (Kowte) oo ka soo baxay Xisbiga UCID



Sidaasna waxa ku guulaystay qorshihii isbahaysiga Xisbiyada Mucaaradka Somaliland wateen, oo ilaa shalay xukuumada Muuse Biixi awood ciidan ay ku hortaagnayd.

     
Loading...