Waa Maxay Cafisku, Muxuuse Kaga Duwan Yahay Saamaxaadda?..Garyaqaan Guuleed Dafac

Sunday October 06, 2019 - 19:12:50
Waa Maxay Cafisku, Muxuuse Kaga Duwan Yahay Saamaxaadda?..Garyaqaan Guuleed Dafac


Hargeysa(HWN):-Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa faah faahin sharci ka bixiyey faraqa u dhaxeeya cafiska iyo saamaxaada.

Sidee Bay Dimoqraadiyaduhu U Dhintaan?

Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu bulshada ugu sharaxay qodobada sharci ee cafiska iyo saamaxaada iyo faraqa u dhaxeeya, waxaanu qoraalkiisa ku yidhi:-


Waa maxay cafisku? Muxuu se kaga duwan yahay saamaxaadda?


Awoodda bixinta cafis (amnesty) ama saamaxaad (pardon) waxa iska leh oo ay gaar u tahay madaxwaynaha sida ku cad qodobka 90(5) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.


Sida ku cad qodobka 144aad ee Xeerka Ciqaabta, Madaxwaynuhu wuxuu cafis u fidin karaa cid dembi aan weli lagu soo oogin ama cid eedi ku socoto ama cid la xukumay.


Halka saamaxaaddu ku kooban tahay cid dembi lagu helay oo qayb ka mid ah ama dhamaan ciqaabtii la saaray laga saamaxayo sida ku cad qodobka 149aad ee Xeerka Ciqaabta.


Cafisku mid guud iyo mid gaar ahba wuu noqon karaa. Ka guud dad badan ayuu saameeyaa, ka gaarka ahina cid magacaaban.


Cafiska iyo saamaxaddu waa go’aan madaxwayne oo qoran.


Awoodda cafisku waa u gaar madaxwaynaha oo cidi lama wadaagto, uma na baahna in cid kale ansixiso

     
Loading...