Xeryihii Jinka " Social Media".

Monday November 09, 2026 - 10:10:04
Q.1aad Abdurehman Fadli - Perth Australia


Iyadoo dunida maantu ay durbaba ka gudbeyso rubucii iaad ee Qarnigii loo bixiyey qarniga IT-ga (Information Technology) ayaa horumarka baaxadda leh ee is daba joogga ah ee Technolojiyadda iyo isgaadhsiinta casriga ah sida looga faaiideysanayaa noqotey saamiyo aan isku weel la darsaneyn marka loo eego dadyowga casalamka manta ku nool. Haddaynu nidhaahno social media-waa qayb ka mid ah nolosha manta ee casriga 21aad rubaciisa hore waxaa kaloo aan oran karaa marka six un loo isticmaalo ama xadka baahideeda kor looga baxo waa nooc ka mid ah waxyeellooyinka isla qarnigaas ka jira.

Waxaynu tusaale usoo qaadan karnaa Mareegaha bulshada " Social Media" oo aynu ognahay inta nooc ee ay u kala baxaan welina usii kala baxayaan iyo isticmaallada xad-dhaafka ah ee loo adeegsanayo. Maanta social media-yaha waxaa loo isticmaalaa tusaale ahaan dhankiisa togan:

· Waxbarashada oo nooc kasta u kala bixi karta

· Wacyigelinta bulshada dhanka togan

· Ganacsiyada iyo xayaysiiska

· Isgaadhsiinta iyo wada xidhiidhka bulshada iyo wax intaas kasii badan oo aan la koobi karin.

Waxaa barbar socda dhibta ka iman karta marka dhanka taban loo adeegsado tusaale

· Soo gudbinta afkaaraha binu-aadanka waxyeellada u leh

· kicinta shucuubta iyo aloosiidda xasaradaha kuwo degmo, goboleed ama kuwo caalamba

· kobcinta iyo buunbuuninta dhaqamada xun ee akhlaaqda iyo anshaxa la isla oggolyahay ka gudubsan

· Burburinta dhaqaalaha , xasiloonida, wada jirka bulsho iyo jiritaanka ummadeed

· Abuurista nacaybka bulshooyin dhex mari kara

· waxyeellaynta sharafta iyo qiyamka ashkhaasta, unugyada hoose ee bulsho sida qoyska iyo mid qaranba.

Iyadoo waxaas oo d hammi jiraan oo weliba Social-Media-yuhu manta uu si isku mid ah taddawurkiisu caalamka u gaarey waxaa lagu kala hormarey sida bulshooyinka caalamku isaga ilaaliyeen jaanibkeeda xun ugana faaiideysteen jaanibkeeda xun iyagoo ku kabay shuruuc ay awood u leeyihiin iney dhaqan geliyaan oo ay dadkooda usoo dhigeen iney ku dhaqaan

Tusaale, waddamo badan oo caalamkan ka mid qofkooda muwaaddinka ah wuxuu mudan karaa sharci ciqaabeed haddii uu ka gudbo xadka u degsan isticmaalka barihiisa bulsho, taas darteedna qofku waxaa uu muuqda in aanu wuxuu doono samayn karin taasoo keenaysa in waxyeellada baraha bulshadu ay noqoto mid xaddidan ama mid ugu yaraan isla xisaabtan ka jiro.

Taas beddelkeeda .. La soco Qaybta labaad

Khayrre Caanood <[email protected]>



     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...