hadhwanaagnews
Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Somaliland, Badhasaabka Gobolka Saraar iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka ahna Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland ayaa maanta magaalada Caynaba ka sameeyay wacyigelin ballaadhan oo ku saabsan ilaalinta deegaanka.
Wacyigelintan waxaa qayb ka ahaa Isuduwaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Gobolka Saraar, iyadoo ujeeddadu ahayd in bulshada lagu baraarujiyo muhiimadda ay leedahay dhowrista deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah.
Masuuliyiintu waxay bulshada ku wacyigeliyeen ka hortagga xaalufka dhirta, joojinta wax-soo-saarka dhuxusha ee waxyeellada u geysanaya deegaanka, iyo ilaalinta khayraadka dabiiciga ah.
Wacyigelintan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo fahamka bulshada ee ilaalinta deegaanka, si looga hortago xaalufka dhirta loona dhowro khayraadka dabiiciga ah ee dalka.