hadhwanaagnews
Dhallinyarada jaamacadaha ka soo
baxday, waxan idiinku bushaaraynayaa inaad gaadheen hadaf ka mid ah hadafyadii
noloshiina kuwii ugu wanaagsanaa. Waxad soo af-meerteen waxbarasho 16 sano ah
oo iskugu jirta dugsi hoose/dhexe, dugsi sare iyo maanta oo waxbarashadii
jaamacadda dhammaysateen.
Waxad la soo kulanteen muddadaas duruufo nololeed oo kala duwan, mid caafimaad, iyo mid dhaqaalaba leh. Waxad maanta u soo gudubteen suuqa shaqada, taasi maaha in dhammaantiin shaqo wada helaysaan. In badan oo idinka mid ahi uma suuroobayso inay shaqo helaan, taasi maaha in aydaan abuuri karayn idinku shaqo, idinku habboon dhaqaale fiicanna ka samaysaan.
Waxan idinkula talinayaa in ka badan raadinta shaqo, inaad ku fikirtaan inaad idinku shaqo abuurataan idinkoo ku samaynaya dhaqaalaha ugu yar ee ay ku bixi karto haddii ay idiin suurto gasho inaad heshaan. In aydaan ku fikirin inaad dalka ka tahriibtaan taasi oo sababaysa in waalidkii idinku soo tabcay ee duruuf kasta idinla soo maray si aad maanta hadafkan u gaadhaan aydaan u niyad jabin oo aanay dhiman iyagoo nool!
Waxan kaloon idinkula talinayaa kulliyad kastood ka soo baxdeen waxay leedahay fursado dhaqaale laga samayn karo ama bulshadaba loogu adeegi karo si iskaa-wax u qabso ah, taasi waxay idiin horseedaysaa inaad bulshada ku celisaan aqoontii aad soo barateen waxay idiin horseedaysaa inaad barataan dad kala duwan oo kala xirfad ah waxay kaloo idiin abuuraysaa shabakad hal-abuur ood ku hanataan, hawlo idinka maqan.
Waxa kalood ka heli kartaan
shaqooyin idinku habboon ood nolol maalmeed ka soo saarataan.
W.Q: Faadumo Buuni
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!